Caalamka iyo Aragtida Xorriyadda Hadalka!

0
198

Robert Faurisson  waxa uu dhashay 25 Janaayo 1929,   waxa uu ahaa cilmi baadhe Faransiis ah oo ku ku dhashay dalka Ingiriiska. Odaygan waxa caan uu ku noqday diidmada iyo ka soo horjeedka dhacdada loo bixiyay Holocaust oo la sheego in Hitler uu xasuuqay Yuhuudda.

Faurisson ayaa abuuray khilaaf  xoogan oo ka koobna dhowr qodob kaasi oo lagu daabacay Joornaalka “Historical Review” Dib-u-eegista Taariikhda iyo weliba meelo kale. Waxa kale oo lagu daabcay waraaqo uu u diray wargeysyada Faransiiska, gaar ahaan wargeyska “Le Monde”,  kuwaas oo dhamaantood ka hor imanayay taariikhda xasuuqii Holocaust ee Yuhuudda.

Robert waxa uu beeniyey jiritaanka xasuuqaasi iyo qolal gaas ah oo lagu ciqaabi jiray dadka, oo ku yaalay  xeryaha dhimashada ee Naziga iyo dilal uu kula kacay bulshada Yuhuudda. Qolka gaasku waxa uu ahaa qolal lagu dilo dadka ama xayawaanka iyadoo gaas sun ah lagu furayo. Waxaana la isticmaalayay hydrogen cyanide, carbon dioxide iyo carbon monoxide. Waxa kale oo uu shaki geliyay  sax ahaanshaha Buugga xusuus-qorka ee Anne Frank ee ka warama arinkaasi.

1974, Faurisson waxa uu la xidhiidhay  xarunta “Yad Vashem” ( xarunta Yuhuudda ee haysa dhibanayaasha xasuuqii Jarmalka) waxaana uu u qoray  warqad dheer oo uu ku faahfaahinayo doodo kala duwan oo uu ku cadeeyay in aanu  jirin xasuuq Yuhuud loo geystay intii lagu jiray Dagaalkii Labaad. Waxaana uu soo xigtay saraakiishii Naasiga sida Rudolf Höss oo beeniyay inuu jiray xasuuqaasi.

Bishii Sebtember 1989, Faurisson waxaa weeraray oo garaacay kooxo aan la aqoon oo sheegtay inay yihiin “Inamadii Xusuusta Yuhuudda” “The Sons of the Memory of the Jews” “, kuwaasi oo noqoday mid aan waxba laga ogaan ka hor ama ka dib dhacdadaa. Faurisson wakhtigaasi waxa uu dhex socday beerta nasashada ee Vichy isaga oo wata eygiisa, waxaana feedh iyo laad kala daalay seddex nin oo dhalinyaro ah, waxaana jabay daanka, isagoo miyir beelay ayaa la dhigay Isbitaalka.

Muddo yar ka  dib oo ah sanadkii 1990, waxa soo baxay  xeerka Gayssot oo ah sharci mamnuucaya in la beeniyo xasuuqa Holocaust. Mr. Robert Faurisson ayay maxkamad Faransiis wakhtigaasi ku xukuntay diidamadiisa waxaana sannadkii 1991, laga eryay shaqadii uu hayay iyadoo loo cuskanayo sharciga Gayssot, madaama uu diidan yahay xasuuqa.

Robert ayaa ku dooday in qaanuunkani xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda, ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha.

 

Wakhtigaasi Mr.Faurisson waxa uu cabasho u gudbiyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay 1993. Sanadkii 1996-dii, Guddigu waxa ay  diideen sheegashada Faurisson ee ah in dacwadda maxkamadda Faransiiska ay ku soo oogtay ay ahayd mid xadgudub ku ah Hab-maamuuskii Ikhtiyaarka Koowaad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.

Guddigu wuxuu taageeray Sharciga Gayssot inuu yahay “mid u adeegaya ixtiraamka bulshada Yuhuudda inay ku noolaadaan iyagoo xor ka ah cabsida jawiga ka soo horjeedda sinjiga” iyo loona baahan yahay in loo adeego halganka ka dhanka ah cunsuriyadda iyo midab takoorka”.

 

Mr.Robert Faurisson ayaa lagu soo ogaay dacwad maxkamadeed bishii July 11, sanadkii 2006, iyadoo lagu eedeyay inuu dafiray inuu xasuuqii Holocaust, ka dib markii uu waraysi siiyay telefishanka Iran ee “Sahar 1” bishii Feberweri 2005. Sidaa awgeed bishii 3 October sanadkii 2006, waxa lagu riday xukun 3 bilood oo xadhig ah iyo ganaax dhan 7500 Euro.  Odayga Robert ee sida adag uga hor yimi xasuuqaasi waxa uu mar kasta ku doodayaa in xoriyadda hadalka la ilaaliyo oo aan la cabudhin. Laakiin sharciga la soo saaray 1990 ayaa ka dhigaya denbi qofkii ka hor yimaadda ama beeniya in xasuuq aanu Hitler ku samayn Yuhuudda.

Waxa halkaasi ka cad in xorriyadda hadalka arinta la rabo in aan laga hor iman aanay ku jirin. Laakiin hogaanada Yurub waxa ay mar kasta ku dhowaaqayaan in la ilaalanyo xoriyadda hadalka marka dadku ay Islaamka ama Nebi Muxamed (scw) ay dhaleecaynayan ama sawirayaan oo ay wax ka sheegayaan.

Robert wax uu dhintay isagoo weli ku dhigan fikaradiisa ah in aan xasuuq lagu samayn Yuhuud 21, October sanadk,ii 2018, isagoo da’diisu tahay 89 sano.

 

 

 

 

Leave a Reply