1,000 yaxaas oo laga rarayo xeradoodii ka dib markii ay buux dhaaftay

0
413

Xarun lagu xanaaneeyo Yaxaasyada oo ku taal Hindiya ayaa ku guda jirta wareejinta 1,000 yaxaas oo lagu wareejinayo beer xayawaanka oo ku taal meel u jirta 1,931km (1,200 mayl) – waxaana iska leh Maalqabeenka Mukesh Ambani.

Sannadkii hore ayaa maamulka xawayaanka ee Hindiya ansixiyay wareejinta yaxaaska mugger ee Madras Crocodile Bank Trust ee ku taal koonfurta Tamil Nadu loona wareejiyo Xarunta Badbaadinta Xayawaanka ee Greens Zoological ee galbeedka Gujarat. Ilaa hadda 300 oo yaxaas ayaa loo raray Gujarat.

Sida ay sheegeen saraakiisha xarunta taranka Yaxaaska ee 8.5 acre waxa loo rarayaa yaxaasyada ka dib markii buux dhaafiyeen goobta ay ku jiraan isla markaana ay dagaal ka bixi waayeen.

“Tiradooda oo badatay awgeed, boqollaal ukun yaxaaska ah ayaa la burburiyaa sannad kasta,” ayuu yidhi Nikhil Whitaker, oo ah maamulaha xarunta ku taal magaalada Chennai. “Go’aanka lagu wareejinayo yaxaasyada waxaa loo qaatay si ay u helaan meel wanaagsan oo ay ku noolaadaan,” ayuu raaciyay.

Sanado badan ka hore, Maalqabeenkani yaxaaskiisa wuxuu u diri jiray meelaha lagu ilaaliyo oo ku yaal Hindiya oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo tiro intaa le’eg oo Yaxaas ah la raro.

Beerta xayawaan oo dhan 425-hecter, oo ku taal Gujarat ee magaalada Jamnagar, isla markaana dhisnayd 3 sanno oo keliya ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee sanadlaha ah in yaxaasku heli doonaan dhul ku filan, cunto iyo daryeel”.

Xarunta taranka ee Chennai waxaa la bilaabay 1976 si loo ilaaliyo inta badan saddex nooc oo yaxaaska – muggers, yaxaasyada biyaha cusbada leh iyo Gharial oo ah kan fuqa dheer leh.

Markii hore waxa ay lahayd ku dhawaad ​​40 yaxaas, ujeedkuna waxa uu ahaa in la ilaaliyo si ay u tarmaan, dadkoodana loo sii daayo duurka si ay dib ugu soo ceshadaan deegaannadii dabiiciga ahaa.

Laakiin dowladda dhexe ayaa 1994-tii joojiyay yaxaaska la haysto ee lagu sii daayay duurka.

Leave a Reply