Taageerada Dadweynaha Ruushka ee dagaalka Ukraine oo hoos u dhacday –

0
215

Ra’yi ururin dhawaan la sameeyay ayaa muujinayso in taageerada shacabka Ruushka ee dagaalka Ukraine ay hoos u dhacayso. Sidaana waxa sheegtay wasaarada difaaca ee UK.

Subaxnimadii Axaddii todobaadkan xog sir ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ee Ruushka ay sheegatay inay helayso xog ay ka soo aruurisay Adeegga Ilaalinta Federaalka ee Ruushka taas oo muujineysa in boqolkiiba 55% dadka Ruushku ay jecel yihiin wadahadal nabadeed oo lala yeesho Ukraine, halka 25% kaliya ay sheegeen inay taageerayaan sii wadida dagaalka. Bishii Abriil 2022 ilaa 80% Ruushka ayaa la sheegay inay taageerayaan duulaanka Ukraine.

Wasaaraddu waxay tidhi, “Iyada oo Ruushku aanay u badneyn inuu gaadho guulo waaweyn oo dagaal ah dhowrka bilood ee soo socda, xitaa ilaalinta ogolaanshaha dagaalka ee dadweynaha waxay u badan tahay inay ku sii adkaato Kremlin.”

Ruushka ayaa dib u bilaabay duqeymaha magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine. Waxayna saraakiishu ka digeen jiilaal adag iyada oo duqeymaha Ruushka ay bartilmaameedsanayaan kaabayaasha tamarta.

“Weeraryahannada Ruushku waxay duqeeyeen Kherson – xadhkaha korantada oo waxyeello u geystay. Magaaladu waxay mar kale ku dhacday koronto la’aan,” Guddoomiye Yaroslav Yanushevych ayaa sheegay in farsamayaqaannada ay mar hore ka shaqeynayeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen awoodda magaalada dhawaan la xoreeyay ee ku taal daanta galbeed ee Dnipro River.

Waxa muuqata in aanu jirin wax wada hadal ah, Putin wuxuu doonayaa inuu ciimada Ukraine uu ku ciqaabo Koronto la’aan iyada oo Jiilaalkii qaboobaa bilaabmay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa soo dhoweeyey qiimaha lagu qiimeeyay iibka saliida badda ee Ruushka taas oo ah $60 halkii foosto wuxuu sheegay in taasi cadaadis ku tahay dhaqaalaha Ruushka ee maalgeliya duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Qiimahan waxaa ku heshiiyey Australia, Britain, Canada, Japan, Maraykanka iyo Midowga Yurub, laakiin hogaamiyaha Ukraine wuxuu isagu ku baaqay mid intaa ka hooseeya.

Leave a Reply