Hargeysa oo Heshay Fursad ay in Badan Sugaysay iyo Duqa Caasimadda oo Duceeyay

0
159

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa waxa ay xarun magaalo-madax u tahay dawladda, sidoo kale waxa ay caasimad u tahay dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waxa ay magaalo gobol u tahay gobolka Maroodi-jeex, dadka ay qaabishay ee gudaheeda ku dhaqan amaba ku nool waxa lagu qiyaasaa hal milyan haddii aanay ka badnayn,. Magaalada Hargeysa waxa ay xuddun u tahay ganacsiga dalka Somaliland. Taniyo markii ay Somaliland lasoo noqotay madax-bannaanida 1991, Hargeysa waxa ay u dhismaysay si xawli ah oo ka duwan magaalooyinka dhiggeeda ah ee kale ee gobollada Somaliland ku yaalla. Waxa ay fadhiisimo ama xarumo guud u tahay hayโ€™addaha caalimaga ah iyo kuwa maxalliga ah ee dalka ka hawlgala. Sidaas oo ay tahay Hargeysi waxa ay ahayd mid ka qada Horumarka ay u qalanto ee ay ahayd inay hesho lagana taabagaliyo. Nasiib umay helin inay la mid noqoto caasimadaha dalalka adduunka iyo kuwa ay la jaarka tahay, nasiib-darradu waxay kaga timid dhinaca madaxdeeda oo aan ka daacad noqon siyaasaddii horumarin lahayd.

Tusaale haddii aynu usoo qaadano, Hargeysa waxay raadinaysay biyo ku filan muddo 32 sannadood ah, waxa ceelasheeda biyaha oo dhisan muddo nus qarni ka badan ay waraabiyaan oo ku nool kala badh tirada dad iyo xoolaba leh ee ku dhex nool, balse inay gaadho halkii ay rabtay waa la hagraday.

Waxa xusid mudan fursadii ugu ballaadhnayd ee Hargeysi u ahayd farxad ee dhinaca biyo ballaadhinta waxa keentay xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhagax dhigay mashruucii weynaa ee dhaamka biyaha Xumbo-weyne oo markaasi ahaa war ay ku diirsadeen malaayiinka ku nool magaalada Hargeysa, balse waxay noqotay hungiri gaagax markii ay dhalatay xukuumadda uu haatan madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi oo Hargeysa u sheegtay warka dhiilada ah ee in mashruucaasi Xumbo-weyneuu noqoday waxba kama jiraan, iyo meel aan jirin kasoo qaad. Balse xukuumadda madaxweyne Biixi kama aanay niyad jebin inay Hargeysa u helaan oo ay u rumeeyaan riyo in ka badan soddon sano ay kusoo noolayd, waana halka maanta la joogo ee tallaabooyinka wakaallada biyahu ka dhabaysay in hargeysa ay hesho biyo ku filan oo maruun ay ka baxdo suquuqulka biyeed ee haytsa iyadoo ah caasimadii iyo muraayadii jamhuuriyadda Somaliland.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo la odhan karo waxa uu ka mid yahay masuuliyiinta fursada u noqday hargeysa ee ay mahadisay, ayaa intii uu joogay xilka meeyarka caasimada waxa uu si hiil iyo hoo ay ka muuqato u huray doorkiisa ku aaddan horumarinta caasimada hargeysa oo runtii aanay fari ka qodnayn gaadhista halkii munaasibka ku ahayd iyo meqaamkii ay ahayd in ay yeelato.

Meeyar Mooge oo shalay ka hadlay mashruuc weyn oo laga wado deegaanka Geed-deeble oo hargeysa markale fursad dahabi ah u noqon doona inay dhanka biyaha ka arad beesho oo ay noqoto caasimad lagu biyo cabo, ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in hargeysa loo helo biyo-ballaadhin oo laga sameeyo dhaam biyood aad u baaxad weyn. Mr. Mooge waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in bulshada hargeysa ay maanta rabaan inay u hiiliyaan magaalada ay kusoo noolaayeen, ayna ka shaqeeyaan horumarinteeda, waxana uu xusay dhismaha mashruucan ay gacanta u badan ka gaysteen dadka reer hargeysa.

Waxa farxad noo ahayd in aanu dhagaysano daraasadda mashruuca dhismaha dhaamka, runtii waa mashruuc waxtar leh, waxa innoo faan ah qaran ahaan lacagta inteeda kale oo dhan inaynu innagu bixinayno oo lacagteenii aanu wakaaladda gashanayno, waana wax lagu faano, aniguna sideedaba markay Somaliland waxeeda wax ku qabsato ayaa aad u jecelahay oo taasi waxay ka wanaagsan tahay mashruucan hayโ€™ad baa dhisaysa.โ€ Ayuu yidhi

Maayir Mooge waxa uu sheegay oo uu Alle ka baryay isaga oo u ducaynaya mashruucan inaanu fashilmin, isla markaana lamid noqon mashaariic badan oo hargeysa ku hungowday, waxaana uu tusaale usoo qaatay oo uu si gaar ah farta ugu goday mashruucii dhaam-biyoodka Xumbo-weyne. โ€œWaxan Illaahay ka baryayaa kani inuu ka duwanaado kii Xumbo-weyne oo kani noqdo mid aan ceebi ka iman oo aynu u aayno, biyihiisa cabno oo ceelasha biyaha Geed-deeblena hoosta ka waraabiya.โ€

Waxa uu isagoo hadalkiisa sii wata intaasi raaciyey โ€œka dawlad hoose ahaan, waannu qaadanaynaa doorkayaga, waayo xeerka ayaa naggu waajibiyey in dadka reer hargeysa ay biyo nagga helaan, waxanu ku garab istaagaynaa wakaallada biyaha shaqo kasta oo wanaagsan oo ay wado oo ay hargeysa kaga kaafiyayso inay nadiif ah hesho.โ€

 

Ugu dambeyn, isha muuqata waa hargeysa oo biyo ku filan heli doonta mustaqbalka dhaw, maadaama aymuuqato in hargeysa ay heshay masuuliyiin raba horumarkeeda isla markaana ku dhiiran talaabo ay u qaadaan dhinaca horumarka iyo wanaageeda

Leave a Reply