Wasiirka Maalgashiga oo Dalka ku soo Dhawaysay Maalgashadeyaal ka Socda 38 Shirkadood

0
168

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Marwo, Aamina Cilmi Fariid ayaa dalka kusoo dhawaysay wefti ka socda 32 Shirkadood uu ku midoobay dalladda shirkadaha LOGAN AVENTURA PVT LTD.

Weftidan maalgashatada ah oo tiradoodu ka koobnayd 32 xubnood oo isugu jira maalgashato iyo ganacsato ayay wasiirku si diiran ugu qaabishay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport,

 

Wasiir aamina Fariid oo ka hadlaysay maalgashadeyaasha ay dalka kusoo dhawaysay ayaa sheegtay in ay ka kooban yihiin 32 xubnood oo ka socda LAAGO GROUP yihiinna maalgadhadeyaal.

 

Waxaanay tidhi.” Waxaa ku jira Injineeradii waxaa ku  jira dhakhaatiir waxaa ku jira kuwii wershadaha samaynayay,Somaliland na waxay halkaa ku soo gaadhay waa nabad gelyada in Adduunyadu inoo timaado oo ay Somaliland maalgashato waxaynu ku gaadhnay waa nabad gelyada.intaa haddaan ka gudbo waxaan halkan ku soo dhawaynayaa,waxaad timaadeen Somaliland kusoo dhawaaada waxkasta oo aad nooga baahan tihiinna waan idinla qabanaynaa waanan idin soo dhawaynayanaa Somaliland waa dal nabad gelyo ah oo soo dhaweeya cid kasta oo timaadda.”

Dhinaca kale xuin u hadashay weftiga Maalgashadeyaasha ah ayaa uga mahad naqay wasiirka soo dhawaynta ay ku qaaishay waxaanu sheegay in ay ku farasan yihiin in ay Somaliland yimaaddaan oo ay xog  ka helaan.

Meelaha ay diiradda saarayaan maalgashaeyaasha ah ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin eeraha ceelasha iyo shaybaadhada.

 

Leave a Reply