Wiil uu dhalay Cusaama Bin Ladin oo bixiyay xog ku saabsan aabbihiis

0
236

Inkasta oo dhaqashada eyda ay Muslimiinta dhexdooda xumaan u arkaan, ninkayga Osama Bin Laden waxa uu Yurub ka soo dhoofsaday laba Ey oo lagu kala magacaabi jiray Safir iyo Zair.

Waan la yaabay markii Cumar uu ii sheegay in Khartuum aabbihii uu Ey ku dhaqan jiray. Waan la yaabay sababta oo ah Muslimiinta ayaa aad uga fogaada eyga iyaga oo u arka in uu nijaas yahay.

Xaaska koowaad ee Usama Bin Laden, Najvi Ghanem (Najvi Bin Laden), ayaa sida u sheegtay Jean Sassoon, oo ay buuggeeda ku qortay. Najvi waxay intaa ku dartay in mid ka mid ah Eygooda la xaday, halka midkii kalana uu xanuun la soo darsay, ka dibna si lama filaan ah uu u dhintay.

Toddoba sano kadib markii buugga la daabacay, ayaa wiilka uu dhalay Osama Bin Laden, Cumar Bin Laadin oo wareysi siiyay wargeyska The Sun wuxuu ku sheegay in aabbihii Usama Bin Laden uu hub kiimiko ah ku tijaabiyay Eygiisa. Cusaama Bin Laden ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warbixinno dhowr ah oo sheegaya in Usama Bin Laden oo ah ninka loogu doonista badnaa caalamka uu hub kiimiko ah ku tijaabiyay eey.

Hadda wiilkiisa Cumar Bin Laden waxa uu yidhi “Waxaan arkay (iyada oo kiimiko lagu tijaabinayo Eyda.

“Waxay ku tijaabiyeen (hubka kiimikaalka) eey, anigu kuma faraxsanayn arrintaas. Waxaan isku dayay inaan iloobo dhammaan xusuustaas xun ee arrintan ku saabsan, way adag tahay laakiin wakhti ka dib ayaad ka gudbaysaa.’ Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Cumar bin Ladin uu aaday Afgaanistaan ​​si uu ula kulmo aabbihiis iyo qoyskiisa. Waxay qoyska lahaayeen Ey lagu magacaabo ‘Bobby’.

Waxay u tababari jireen inay noqdaan ‘eyda wax waardiyaysa oo dhanka amniga gacan ka geysta.

Buuggu laga qoray Bin laden ayaa sheegaya in eygaasi uu si lama filaan ah u dhintay. Laakiin qofna ma oga sababta uu u dhintay.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Sun, Cumar waxa uu ku yidhi ‘Labadii May , 2011, waxaan ku sugnaa Qadar markii la ogaaday in ciidamada badda ee Mareykanka ay aabbahay ku dileen magaalo ku taalla Pakistan.’

Balse, Cumar ma rumaysna in Maraykanku badda ku aaseen maydka aabbihii Usama Bin Ladin.

“Ma garanayo waxay aabbahay ku sameeyeen,” ayuu yidhi. Waxay yiraahdeen meydkiisa waxaan ku tuurnay badda, laakiin ma rumaysni. Waxaan u malaynayaa inay maydka u qaadeen Ameerika si ay dadka u tusaan.

Cumar waxa uu aabbihii hore ugu tilmaamay in uu ahaa aabbe wanaagsan, laakiin ay kala qaadeen labo waddo oo kala duwan.

 

Leave a Reply