Hargeysa(Dawan):Siyaasiga Baashe Cali Jaamac ayaa ugu baaqay Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo UCID in ay u diyaar garoobaan Doorashada Ururada Siyaasada.
Baashe Cali Jaamac oo shalay u Waramay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxda Xisbiyadda Mucaaradka ahi ay been u sheegayaan taageerayaashooda,waxaanu usoo jeediyay in aanay wareerin shacabka.
Baashe Cali Jaamac oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa loo dhaqaaqay furista Ururada Siyaasadda iyo tartankoodii iyo Diwaangalintii Cabdiraxmaan Cirro Xirsi iyo Faysal taageerayaashooda been ayay u sheegayaan waxba yaanay wareerin shacabka ha, u diyaargaroobaan doorashadii Ururada Siyaasada,Xisbiga UCID isagu doorasho gali maayo oo wuu ogyahay in aanu waxba helayn. laakiin labada Urur ee kale Kulmiye iyo Waddani diyaar ayay u yihiin in ay galaan Doorashada Ururada Siyaasada, taas oo sax ah oo shacabku sugayaan Faysal Cali Waraabe waxa uu khabiir ku yahay cayda hartiga ee taas ha ka hadlo,”.
Sidoo kale Baashe Cali Jaamac ayaa waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Biixi uu nabadayn ka sameeyay Shaqaaqadii Beelaha ee deegaamada bariga ee uu ka soo jeedo.Waxaana uu yidhi”Deegaamada Bariga nabadayn ayuu ka sameeyay Madaxweynuhu qabaa,il ayaa isku dilayay Nabadayntii Maxamuud Garaad wuxuu ku guulaystay iyo Qayaad iyo Baharsame, hadeer waxaana la qabtay lixdii qof ee ugu horeeyay dadkii dadka layn jiray ee Magaalada Laascaanood, waxaana aan ku hambalyaynayaa Wasiirka Arimaha gudaha in uu ku guulaystay in uu qabto dadkii dadka ku layn jiray Laascaanood,waxa aan raacayaa Xisbiga Kulmiye ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Kaahin Axmed,”.