Borama: Shirka Guddida Farsamada ee Mashruuca Maamul Daadejinta ee JPLG oo Furmay

0
247

Borama (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka furay shirka Guddida Farsamada ee Mashruuca Maamul Daadejinta ee JPLG.

Shirkan oo 45 cishoba mar la isugu yimaado wax aka qaybg galay Guddida Farsamo ee hagta Barnaamijka Maamul daadejinta, waxaana mudadada u socdo lagu lafo-guri doonaa Maamul daadejinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidii adeegyada aas-aasiga ah loo gaadhsiin lahaa Bulshada.

Shirkan oo Socon doona muddo laba cisho ah ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aamo lagu daadejinayo mashruuca JPLG iyo in kor loo qaado adeegyada caafimaad, Waxbarashada iyo biyaha.

Waxa kale oo iyana kullankaas qayb ka ahaa maayarada degmooyinka dalka ee uu ka socdo mashruuca maamul daadejinayo ee JPLG iyo Wasaaradaha qaybta ka ah Guddida Farsamo iyo mashruuca maamul daadejinta Dawladda Hoose ee JPLG, sida Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Horumarinta Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo ah gudoonka Guddida Farsamo.

 

 

 

 

 

Leave a Reply