Xisbiyadda Wakhtigoodii wuu Dhammaaday. ” Cabdilaahi Darawal

0
424

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa sheegay in beesha Caalamka aanay  farogalin karin  sharciyadda dalka Somaliland.

Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal oo shalay la hadlay qaar ka mida  Warbaahinta ayaa waxa  uu tilmaamay in Doorashada Madaxtooyadda ay gali karaan Xisbiyadda ka soo baxa doorashada Ururada Siyaasada,

Cabdilaaahi Darawal oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Sharciyadeena ma farogalin karaan gaaladu,wax gaalo u yaala maaha,tafsiirka Maxkamadaha ayaa leh wax inaga inoo yaala weeyaan ee wax gaalo u yaala maaha,imaatinka ay imanayaan dadbaa u haysta in sharciyadda is waydaarinayaan oo  badali karaan labo Doorasho oo laysa saari karo maaha Doorashada Ururada Siyaasada iyo Doorashada Madaxtooyadda Xisbiyadda soo baxa ayaa gali kara Doorashada Madaxtooyadda,”.

Sidoo kale  Mujaahid Darawal ayaa waxa uu sheegay in sharciyadii Xisbiyadda uu ku eegyahay 26 bishan December.Waxaana uu yidhi”Xisbiyadda wakhtigoodii  wuu dhamaaday 26 December ayay kaga eeg tahay,Ururada ayuu la mid yahay Faysal Cali Waraabe  anaga iyo Xisbiyada  tartan ayaa naga dhaxeeya.doorashada ururada ayaana loo diyaar yahay mida soo horaynaysa Doorashada  Ururada Siyaasada iyo Doorashada Madaxtooyadda waa  iska  caday mar hadii Ururada Siyaasada shahaadadii haystaan, sida sharciyada sheegayso in ay ku soo biiraan weeye Xisbiyadda,arinkaa hawshiisu way dhamaatay  waxaana loo diyaar yahay doorashada Ururada Siyaasada.waxa kale ee ku dhex jira anigu garan maayo meesha  sharciyada looga doonayo,anagu cidna u tanaasuli mayno waxa aanu sugnaa waa in doorashadii Ururada Siyaasada la qabto,”.

Dhinaca  kale Cabdilaahi Darawal ayaa waxa uu ka soo hor  jeestay in la   Somaliland Wadahadal la gasho Soomaaliya.Waxaana uu yidhi”Anigu ma qabo in maalin layskaga khasaariyo in Somaliland wadahadal  la gasho
Soomaaliya,waa in dhismaha dalka xooga la saaro dalku haduu dhismo oo Dhaqaalihiisu kobco Caalamka isaga ayaa inoo baahan.waxa aynu ku fadhinaa  qabcad barakaysan Wadahadaladii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya  wax natiijo ah oo ka soo baxayna  majirto,”.

 

 

 

 

Leave a Reply