Sergio Busquets oo kla Falceliyay ka Hadhista Xulka Spain ee Koobka Adduunka

0
234

Labada ciyaaryahan ee reer Spain ee Rodri iyo Sergio Busquets ayaa si cad u sheegay sida ay uga xun yihiin ka harista koobka adduunka ee 2022 oo ay salaasadii la ciyaareen Morocco.

Labada xul ayaan wax gool ah kala dhalin ciyaarta oo lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah xilli ay ku dagaalamayeen booska 8 dhamaadka koobka adduunka.

Spain ayaa iska khasaariyay dhamaan rikoodhayaashii ay laagteen xilli uu xulka Morocco dhaliyay 3 ka mid ah 4-tii rikoodhe ee ay heleen.

Rodri iyo Busquets ayaa labaduba ahaa ciyaartoyga laf dhabarta u ah La Roja ee tartanka, waxayna labada ciyaaryahan haatan faah faahin ka bixiyeen sida ay uga xun yihiin ka bixitaanka wareega 16-ka.

“Kubada cagtu waxa ay leedahay waxyaabahan, waa in aad tartantaa, waxaana ku dhacnay rigoorayaal, waanu isku daynay laakiin way adag tahay, rigoorayaal waa sidaas oo kale, maanu guulaysan, midna maanu dhalin, waa mid ka mid ah rigoorooyinka. maalmihii ugu xumaa,” Rodri ayaa u sheegay Mundo Deportivo.

“Waxa aan la ciyaarnay xul 11 difaac ku ciyaaray waana arrin adag arrintaas in la dhaafo waxa aan rajaynayay in aan ka faa’iidaysano fursadaha aan helnay”.

“Kubada cagtu marar qaar waa mid aad u xun sababta oo aad la kulmaysaa guul-daro adiga oo aan u qalmin, waxaan u malaynayaa inaanu qalanay in aanu gudubno”.

Rodri ayaa ciyaaray 120 daqiiqo kulankii Morocco waxaana uu xiddiga khadka dhexe ka ciyaaray difaaca dhexe intii uu koobka adduunka u ciyaarayay xulkiisa.

“Waxaanu rabnay inaanu sii wadno (tartanka),” Busquets ayaa u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan u maleynayaa inaanu si fiican u ciyaarnay, waxay ahayd ciyaar adag, ciyaar jidheed; markii uu waqtigu dhaafey waxaanu helnay boosas badan oo banaan laakiin waxa aanu ka faa’iidaysan waynay fursadaha arrintaasina waa mid ceeb ah”.

Leave a Reply