Erik ten Hag: “Annaga Manchester United ahaan wuu na dhaafay Cristiano Ronaldo”

0
290

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa markii ugu horreysay ka hadlay bixitaankii Cristiano Ronaldo oo ay Red Devils burburisay heshiiskiisa dhamaadka bishii hore ee November, kaddib markii uu saxaafadda ka weeraray kooxda iyo sidoo kale tababare Ten Hag.

Ronaldo ayaa qandaraaskiisa la burburiyey markii uu waraysi siiyey Piers Morgan oo uu sheegay in aanu wax ixtiraam ah u haynin tababare Ten Hag, sidoo kalena uu weeraray qoyska reer Glazer ee iska leh Manchester United oo uu ku sifeeyey kuwo aan dan ka lahayn kooxda.

Erik ten Hag iyo Cristiano Ronaldo ayuu khilaaf u dhexeeyey bilihii u dambeeyey kaddib markii uu laacibkaasi diiday inuu beddel kusoo galo ciyaartii Tottenham ee bishii October, taas oo keentay in laga ganaaxo mushaharkiisii laba toddobaad, sidoo kalena aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulankii Chelsea.

Ronaldo ayaa sidoo kale seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka hor intii aan loo bixin Koobka Adduunka, iyadoo inta badan xilli ciyaareedkana uu ku jiraykursiga kaydka.

Tababare Erik ten Hag oo saxaafadda kula hadlay waddanka Spain oo ciyaartoyda kooxdiisu ay tababarka ku qaadanayaan, ayaa wax laga weydiiyey Cristiano Ronaldo, waxaana uu ku jawaabay: “Wuu na dhaafay, waana  wax tegay.

“Hadda hore ayaanu u soconaynaa, waxaananu eegaynaa mustaqbalka.”

 

Leave a Reply