Benzema oo kusoo Laabtay Tabobarka, Iyadoo Xulkiisu Isku Diyaarinayo Ciyaarta Morocco & Go’aanka Didier Deschamps

0
175

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dib ugu soo laabtay tababarka oo uu ka maqnaa tan iyo bilowgii Koobka Adduunka oo isaga oo ciyaartoyda xulkiisa Faransiiska la qaadanaya tababarka uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa.

Karim Benzema oo aan laga saarin liiska xulka Faransiiska inkasta oo uu dhaawac ahaa, ayaa hore loo sheegay inuu fursad u helayo inuu ciyaaro kulamada ugu dambeeya haddii uu taam noqdo.

Faransiiska oo habeen hore usoo gudbay semi-finalka Koobka Adduunka oo ay kula ballansan yihiin Morocco ayaa waxay haystaan toddoba maalmood oo ay ku difaacan karaan Koobka Adduunka ee ay sannadkii 2018 ku guuleysteen.

Karim Benzema oo 34 jir ah ayaa Sabtidii iska xaadiriyey garoonka tababarka ee Ciudad Deportiva de Valdebebas oo ay ku sugnaayeen ciyaartoyda Real Madrid, waxaana uu si buuxda u qaatayy tababarka.

Sida uu sheegay wargeyska Sport ayaa hore loo siiyey maalmo dheeraad ah oo fasax ah si uu u helo waqti uu si buuxda ugu soo kabto, waxaana uu Sabtidii bilaabay inuu isku diyaariyo kulamada adag ee kusoo waajahan kooxda tababare Ancelotti.

Warku ma sheegin in Benzema uu qorshihiisu yahay inuu dib ugu laabto xulka Faransiiska kaddib tababarka, si uu qayb uga noqdo semi-finalka Koobka Adduunka ee Morocco ama haddii ay soo baxaan inuu ciyaaro finalka, balse waxa  la sheegay in qorshuhu uu hadda yahay in uu taam noqdo maalmaha soo socda  oo uu jidh ahaan u diyaar-garoobo, maadaama aanu muddo 20 maalmood ah wax tababar ah qaadanin.

Didier Deschamps ayaa dhinaciisa la sheegay, in aanay qorshaha ugu jirin inuu dib ugu yeedho Karim Benzema maadaama aanu haysan waqti badan oo uu taam ku noqdo, laakiin xaaladda ayaa  isbeddeli karta haddii ay waxyeello soo gaadho Olivier Giroud oo ah weeraryahanka dhexe ee kaliya ee xulka Faransiisku haysto.

Tababarkii Real Madrid ee Sabtidii waxa kale oo kusoo laabtay David Alaba oo uu tababare Carlo Ancelotti siiyey fasax dheeraad ah sida Karim Benzema oo kale.

Real Madrid ayaa kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka La Liga waxay maalinta Jimcaha ee December 30 la ballansan tahay Real Valladoli

Leave a Reply