Waxyaabaha Sanadkan ku Cusub Horyaalka Horyaallada (Somaliland Champions League)

0
178

Dhawaan waxa bilaabmaya tartanka horyaalka horyaallada (Somaliland Champions League) ayaa xidhiidhka kubadda cagta Somaliland waxa uu shaaciyay waxyaabaha ku cusub tartanka ee aan hore u jirin iyo sidoo kale go’aamo ay kazoo saareen habsami u socodka tartankaas.

Xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdirisaaq Maxamuud Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa qodobeeyay waxyaabaha ku cusub sanadkan tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo dhawaan furmi doona.

Xoghayaha oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Waxa hore u jiray in ciyaartoyadu isku dhex daadsanaayeen oo haddii tartan lagu qabto Burco ay ciyaartoyda Hargeysi ciyaarayeen, haddii Gabiley lagu qabto sidoo kale, laakiin maanta ay taasi meesha ka baxday oo ay xayndaab iyo xad kala leeyihiin oo ciyaartoy kastaa sannadka horyaalka uu ciyaaro uu ku dhamaysanayo, taasoo sababtay in ciyaartoygii ay qiimo ku yeeshaan oo ay gobolladii ciyaartooyo u soo baxaan, halkii ay markii hore uu ciyaartooyo gaar ahi oo keliya ay badi gobollada ka ciyaarayeen, waxaananu arrintaa uga mahadnaqaynaa guddoomiyeyaasha naadiyada dalka iyo macalimiinta kooxaha”

Sidoo kale Xoghaye Cabdirisaaq ayaa shaaciyay go’aamo cusub oo ay ka soo saareen tartanka horyaalka horyaallada (Somaliland Champions League), waxaanu yidhi isagoo go’aamada ka hadlaya. “Dhawaan waxa bilaabmaya horyaalkii horyaallada ee dalka. Sidoo darteed waxaanu maanta (shalay) shaacinaynaa inay manuuc yihiin ciyaartoyda ajinabiga ah ee ka imanaya waddamada jaarka aynu nahay sida Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo aan qayb ka noqon Karin oo aanay ciyaari Karin. Sida ciyaaryahanada dalkeena xayndaabka loogu kala sameeyay ee aanay ciyaartoyga magaalo ama gobol ka ciyaaraa aanu gobol ama magaalo kale ka ciyaari Karin. Sidaa darteed ciyaartoyga ajinabiga ahi kama qayb gali karaan tartanka horyaalka horyaallada Somaliland.”

Leave a Reply