Shaxda ugu Fiican ee Wareega Siddeed Dhamaadka Koobka Adduunka oo lasoo Saaray iyo Doorka Croatia & Morocco

0
239

Waxa la go’aamiyay xulalka isugu soo hadhay Semi-final-ka koobka adduunka iyada oo ay 8-dii xul ee tartanka ku hadhay 4 ka mid ah ka hadheen tartanka.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii 8 dhamaadka ee koobka adduunka la ciyaaray jimcihii iyo sabtidii.

Xulka Brazil ayaa sii sugi doonta fursadeeda ku guulaysiga koobka adduunka kadib markii xulka Brazil ka hadhay koobka adduunka kadib markii ay guuldaro rikoodhayaal ah kala kulmeen xulka Croatia.

Laakiin xulka ay ku xafiiltamaan South America ee Argentina ayaa sii wada riyadooda ku guulaysiga koobka kadib markii ay rikoodhayaal kaga badiyeen xulka Netherlands.

Xulka Mucjisada koobka adduunka ee Morocco ayaa sii wada lama filaanka ay ka wadaan aduunka waxaanay garaaceen xulka Tunka weyn ee Portugal.

Ugu dambayn rejadii xulka England ayaa ka hadhay koobka adduunka kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka difaacanaya koobka add France.

Kadib kulamadii 8 dhamaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican kulamadii la ciyaaray ee koobka adduunka 8 dhamaadka.

Xulal Croatia ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig kadib markii ay garaaceen xulka Brazil.

Xulka Morocco ayaa ku xiga oo shaxda ku leh 3 xiddig halka xulka France ku leeyahay 2 xiddig iyada oo Argentina iyo Netherlands shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

 

Leave a Reply