Nooluhu Waa Mid Isku Wada Nool!

0
342

Dunida waxa buux dhaafiyay arriimo badan oo cajiib ah, noolaha dunida oo xayawaan , cayayaan iyo dhirba leh aya markaa loo fiirsado amankaag  ku rida culimada iyo aqoonyahanda baadha noolaha iyo dhaqanadooda.

Waxaan jira dhir iyo geedo iyagu ku nool ugaadhsiga shimbiraha, Jiirka cayayaano iyo noole kala duwan. Geedahan ayaa soo daaya dheecaan u macaan sida sonkorta ah kaasi oo u furan jihada sare, isla markaana leh albaab dabool ah oo xidhmaya  marna furmaya oo u shaqaynaya sida wershadaha oo kale.

Marka ay shimbritu ku fadhiisto ama Jiirku galo isagoo isku deyaya inuu cuno dheecaanka sonkorta ayuu albaabkaasi ku xidhmaaa, ka dibna geedka ayaa ku sii daayaa dheecaano enzyme ah oo markiiba burburiya si uu raashin uga dhigto.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply