Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada oo Qaabiley Wefti Heer Caalami ah

0
202

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha Somaliland Maxamed Cismaan Siciid iyo wefti maalgashadayaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagey xarunta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland.

 

Waftigaas oo maalgashadeyaasha ah oo maalmihii u danbeeyay ku sugna magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kormeer indha indhayn iyo xog-ogaalnimo-doon ah ku sameynayay wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee ay sida gaarka ah u khuseeyaan barnaamijyada ay u socdaan.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale iyo agaasimaha waaxda farsamada gacanta, ayaa agaasimaha maalgashiga iyo weftigii la socday ku qabilay xarunta wasaaraddaasi, waxaaney warbixin ka siiyeen  fursadaha iyo baahiyaha dhinaca farsamada gacanta ee dalka Somaliland yaalla, iyagoo ka waramay xirfadaha shaqeeya iyo kuwa u baahan in lala dhaqaajiyo.

 

Maxamed Cismaan Siciid agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga ayaa masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada uga mahadceliyay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen iyo warbixinta wax ku oolka ah ee ay siiyeen.

 

Leave a Reply