Noocyadda Xayawaanka Dugaagga ah oo ku soo Badanaya Deegaanadda Somaliland

0
341

Somaliland ayaa lagu tilmaamaa in ay ku nool yihiin noocyo kala duwan oo xayawaan ah.
Kuwaasoo isugu jira Ugaadh iyo Dugaag labada ba.
Xayawaanka Ugaadha ah ayaa inta badan waxay ku nool yihiin deegaamadda ay ka heli karaan Cawska, biyaha iyo gabaad ay kaga nabad geli karaan cadawgoodda.
Ugaadha Duur-joogta ah ayaa inta badan laga arkaa ama laga helaa meelaha kala duwan ee deegaamadda Somaliland, kuwaasoo inta badan ay dadku arki karaan.
Waxyaabaha ay aad uga fogaadaan waxaa ka mid ah dadka ugaadhsatada ah meelaha ay joogaan iyo sidoo kale meelaha xayawaanka Dugaaga ah ee iyaga cunayaa ay ku nool yihiin ama ku badan yihiin.
Sidoo kale waxyaabaha ku kalifa in Ugaadha Duur-joogta ah ay ka qaxaan meelaha ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah goobaha colaaduhu ka jiraan.
Iyagoo aad uga fogaadda meelaha ay Xabadda ama Rasaastu ka dhacayso.
Nooca labaad ee xayawaanka Dugaaga ah ayaa iyagu ku nool meelaha ka fog deegaamadda ay dadku degan yihiin.
Waxaanay inta badan ku dhuuntaan meelaha Kaymaha jiqda ah iyo meelaha buuralayda ah oo ay Godad ama dhagaxaanta ku gabadaan.
Xayawaanka Dugaaga ah iyo kuwa Ugaadha ah way ka siman yihiin arrinta nacayb shiyaha Rasaasta ama colaadaha iyo meelaha dagaaladu ka jiraan.
Taasoo ku keenta in ay ka guuraan deegaamadda colaaduhu ka jiraan, isla markaana waxay taasi ku keliftaa in ay ka guuraan meelaha Rasaastu ka jirto ilaa ay helayaan goob nab-doon oo ay ku bad-baadi karaan.
Maadaama oo 27-kii sanadood ee u danbeeyay deegaamadda dhulka Somaliland aanay ka jirin wax dagaallo ah ama colaado ah, waxaa jirtay in ay aad ugu soo badanayeen goboladda Somaliland noocyadda kala duwan ee xayawaanaadka.
Kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi ay dhulal kale u carareen xiligii ay goboladda Somaliland ka socdeen dagaaladii u dhexeeyay dawladii Siyaad Barre iyo jabhadii SNM.
Waxaana jirta in haddii aad u baxdo goboladda Somaliland in aad ku arki karto dhulka baadiyaha ah noocyo kala duwan oo Duur-joog ah.
Sida noocyadda kala duwan ee Ugaadha, Deerro, Garanuug, Adeeryo, Sakaarro, Cawl, Biciid, iyo kuwo kale.
Sidoo kale waxaa jirta in noocyadd xayawaanka Dugaaga ah ay dalkeena ku soo badanayaan. Sida Harimacadka, Guduudanaha, Dhidarka, Waraabaha, Shabeelka iyo noocyo kale.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo ka hadashay xayawaanka aan weli si cad noociisa loo aqoonsan oo laba todobaad ka hor dhawr qof ku dhaawacay deeegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.
Xayawaankaasi oo dhaawacay saddex qof ayay dadka deegaankaasi ku tilmaameen inuu ahaa Shabeel, hase yeeshee wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in aanay weli si cad u ogayn in xayawaankaasi uu ahaa Shabeel ama nooc kale oo ka mida bahal-dugaag.

Balse aanu xayawaankaasi ahayn Shabeel, marka loo eego dhaawaca uu saddexda qof u gaystay oo ah mid aad u fudud. Kaasoo haddii uu Shabeel ahaan lahaa dhibka uu gaystay ay intaa ka waynaan lahayd.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo  warbaahinta kula hadashay xafiiskeedda waxay sheegtay in haddii xayawaankaasi uu yahay Shabeel aanu dhaawacyo sidan u fudud soo gaadhsiiyeen dadka uu cunay.

Waxaanay tidhi, “Saddex qof buu xayawaan ku dhaawacay deegaanka Agabar oo ka tirsan Gabiley, meel Arabsiyo u dhaw na Wiil dhalinyaro ah ayuu xayawaankaasi ku dhaawacay. Xayawaankaasi ilaa imika boqolkiiba boqol ma odhan karno waa Shabeel.

Wuxuu noqon karaa Harimacad, wuxuu noqon karaa Dhidar, wax kaluu noqon karaa.  Laakiin, marka aad eegto ifafaaleyaasha uu leeyahay Shabeelku, had iyo jeer wuu ka weyn yahay xayawaanka kale, sida Libaaxa oo kale.
Marka uu wax dilayo ama iska celinayo, waxa uu gacanta saaro  dhulka ulama dhaco. Ama qoorta ayuu kala jebiyaa, ama nabar aanu qofku ka soo kicin ayuu ku dhuftaa”.
“Marka hore taasi waxay ku tusaysaa in xayawaankaasi aanu ahayn mid gaajoonayay. Waayo? Saddexda qof ba mid walba waxaa ku yaalla Cidiyo.  Laakiin, qof uu Muruq kala baxay ama Beerka ama uu caloosha ka soo riday ma jirto.

Waxa kaloo imika na soo gaadhay inuu xayawaankaasi 11 Daanyeer ku dilay agagaarka Arabsiyo. Taasina waxay ku tusayaa in cunistiisu tahay xayawaanka oo keliya, balse aanu dadka cunaynin. Waa laga yaabaa  in dadkan uu dhaacay xayawaankani ay wax isaga hor yimaadeen” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.
Geesta kale wasiirka deegaanka ayaa uga digtay dadka reer baadiyaha ah ee degan dhulka buuralayda ah in marka ay xoolaha u daaq gaynayaan dhinaca buuraha aanay carruurta yar yar u dirin, maa daama oo xayawaanka Dugaaga ah ay inta badan ku nool yihiin buuralayda.
Waxaanay tidhi,  “Waxaanu doonaynaa in aanu dadka u sheegnaynaa Somaliland xayawaan fara badan oo dugaaga ah way ku nool yihiin.    Weliba buuralayda sil-siladda Gollis xayawaanka dugaaga ah ee ku jiraa way badan yihiin, oo kala wada jaad ah”.

“Had iyo jeer xayawaanka dugaaga ahi waxay ku dhuuntaan dhulka buuralayda ah, oo ay jecel yihiin. Halkaasoo ay helayaan Godad ay ku dhuuntaan. Dugaagu ma aha sida Ugaadha oo kale, ee meelihiisa iska daaqaya” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi, “Mar haday meelaha buurraha galaan Dugaagu, anagu waxaanu leenahay dadka had iyo jeer ka taxadira. Xoolaha xagga buuraha u dareeraya, ee aad carruurta u diraysaan, ama qofka meelaha buuraha ah marayaa in uu taxadirkeedda yeesho”.

Dhinaca kale wasiir Shukri Baandare, waxay ka hadashay warar meelmahan soo baxayay oo sheegayay in deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer lagu arkay diyaarrado gurranaya xayawaanka duur-joogta ah.

Diyaaradahaasi oo la sheegay in ay yihiin kuwa Ayaxa ka buufinaya deegaamo ka tirsan goboladda Somaliland, hase yeeshee wasiirka ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid waxba ka jirin, isla markaana ay wasiirka beeraha ka wada hadleen.

“Isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer ayaa arrintaasi nagala soo hadlay, isla maalintii uu ila soo hadlay ba, ana waxaan la hadlay wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland, wasiirku na wuxuu igu xidhay innamadda saaran diyaaradaha Ayaxa ka buufinaya goboladda Somaliland.

Waanan u sheegay wasiirka beeraha, oo waxaan ku idhi waxaa la idinku soo eedaynayaa haddii aad tihiin wasaaradii beeraha, in diyaarradaha Ayaxa buufinayaa ay guranayaan xayawaankii duur-joogta ahaa. Waanay ila yaabeen markii aan arrintaasi u sheegay!

Diyaarad kastoo kacda, oo Ayaxa buufinaysa, waxaa la socda duuliyeyaasha ajaanibka ah, Innan ka mida shaqaalaha wasaaradda beeraha. Markaa taasi runtii wax jira ma aha” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Leave a Reply