· Wasiir Kaahin oo kulan la Qaatay Madaxda SHirkadda Shiidaalka ee Genel Energy

0
534

 

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Mudane  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Madaxda Shirkada  qodista Shidaalka ee Genel Energy, taasoo Baadhista iyo qodis shidaal ka wadda qaar ka mid gobolada Somaliland

Kulanka ayaa ahaa is xogwaraysi kooban, iyadoo shirkadda Genel Energy ay dedaal ugu jirto sidii loogu guulaysan lahaa in Somaliland loo soo saaro khayraadkeeda ku duugan, taasoo ay qayb ka mid ah deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland ay ka waddo shirkadda Genel Energy,baadhis iyo qodista shidaalka, rejo aad u wayna laga qabo in lagu guulaysto.

Horuumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto iyo higsiga ay Somaliland ku doonayso in ay la soo baxdo khayraadkeeda waxaa sabab u ah isku duubnida Xukuumadda iyo shacabkeeda, iyadoo meel looga soo wada jeedo ilaalinta nabadgelyada iyo horuumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa kulankan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Madaxda ka socotay Shirkada Genel Energy waxay kala ahaayeen.

1.Mike Adam’s (technical director)

  1. Michael Hohbein (asset Manager for Africa)

3.Ibrahim Hassan (Somaliland country manager)

4.Abdi Din (janale) (government affairs)

5.James Hopkinson ( above ground risk advicer)

 

 

Leave a Reply