Fiditaanka Hargeysa oo Qaloocsamay ayaan Saxayaa.”Maayer Mooge

0
279

Hargeysa(Dawan):-Maayerka Caasimada Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo bandhigayay xog uruurinta qorshe magaaleedka Caasimadda ayaa sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay codsadeen in loo sameeyo Master Plan, waxa uu u mahadceliyey guddida nashqadaynta qaranka iyo wasaarada hawlaha guud oo uu sheegay in ay codsigaasi ka aqbaleen.

 

Maayer Cabdikariim ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ahayd magaalo ku fiday qorshe la’aan, taasoo keentay inay qaloocsanto, waxaanu ku hambalyeyay Guddida Qaran ee Nashqadeynta aqbalaada codsigooda.

Wuxuu sheegay in illaa markii ay xilka qabteen dedaal ugu jireen sidii qorshaha magaalada loo toosin lahaa, una heli lahayn hannaan nashqadeyn casri ah.waxaanu iftiimiyay in ay doonayaan in ay saxaan qorshe magaaleedka caasimadda oo qaloocsamay.

Leave a Reply