Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Daahfuray Qorshaha Duud ee Caasimadda Hargeysa (Master Plan)

0
246

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa si rasmi ah u daah-furay xog ururinta qorshe magaaleedka Caasimadda  Somaliland ee Hargaysa, kaas oo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland.

Munaasibadan si heer sar ah loosoo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),xubno ka tirsan golaha Wasiiradda,xildhibaano,Maayerka caasimadda Cabdirakiin Axmed Mooge,xubno ka tirsan golaha deegaanka caasimadda iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay,ayuu si rasmi ah u daah furay Madaxweyne ku xigeenka qaranka Mudane Saylici.

 

Waxaanu ka waramay sida ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay ugu baahan tahay qorshe magaaleed cusub oo ka dhigaya caasimad la tartanta caasimadaha adduunka.

Waxaanu intaa raaciyay in ay ka Xukuumad ahaan garabtaagan yihiin in caasimadda Qaranku ay noqoto mid horumarsan isla markaana ay taageersan yihiin nashqada cusub ee la soo bandhigay.

Waxaa kale oo uu iftiimiyay in  dalalka adduunku u kala horumarsan yihiin sida ay magaalooyinkooda u kala hagaajiyaan.waxaanu yidhi.

“Wadammadu waxay u kala horumarsan yihiin sida magaalooyinkoodu u kala naqshad wanaagsan yihiin.”

 

 

Leave a Reply