Arsenal oo Qasnaddeeda u Jabinaysa Messinho & Lacagta Qaaliga ah ee ay ku Bixinayaan

0
237

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa u dhaqaaqday saxeexa xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Messinho oo ay dul-dhigtay lacagtii ugu badnayd ee abid ay ciyaartoy da’diisa ah ku dalbato.

Messinho waa naanaystiisa laakiin magaciisa dhabta ah waa Estevao Williams oo u ciyaara kooxda reer Brazil ee Palmeiras oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay, waxaanay isak garab ciyaaraan xiddiga Real Madrid gacanta ku dhigtay ee Endrick oo ay wada abuuraan weerar halis badan.

Gunners ayaa xidhiidh la samaysay Palmeiras si ay ugala hadasho saxeexa Messinho, hase yeeshee waxa lagu wargeliyey in laacibkan ay ku heli karayaan £43 milyan oo Gini oo ah lacag waxyar ka hoosaysa inta ay Real Madrid kula wareegayso Endrick.

Warbaahinta gool, qaybteeda Brazil ayaa sheegtay in Mesinho uu heshiiskiisii koowaad ee heer xirfadeed ah uu u saxeexi doono Palmeiras bisha April ee sannadka dambe markaas oo ay da’diisu noqon doonto 16 jir, laakiin Arsenal ay doonayso inay waqtigaas ka horba sii xaqiijisato in Messinho uu mustaqbalka iman doono Emirates Stadium.

Tartan adag ayay la kulmaysaa Arsenal, waxaana laacibkan kula loollamaya kooxo ay ka mid tahay Barcelona, hase yeeshee Mikel Arteta ayaa waxa uu isku dayayaa in uu ku qanciyo da’yarkan in uu la midoobayo xiddigaha ay isku waddanka yihiin ee Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli, Marquinhos iyo Gabriel Magalhaes.

Leave a Reply