Jack Wilshere oo Farta ku Fiiqay Tabobaraha ay Tahay in loo Dhiibo Xilka Macallinimo ee Xulka England

0
275

Jack Wilshere ayaa ku booriyay xidhiidhka kubada cagta Ingariiska inay u dhaqaaqaan tababaraha kooxda Newcastle United si ay ugu badalaan tababaraha haatan xulka hogaamiya ee Gareth Southgate.

Southgate ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa saddexda libaax ka dib markii xulku wareegga 8 dhamaadka kaga hadhay koobka adduunka.

Inkasta oo uu laba sano ka dhiman yahay heshiiskiisa Xulka England Southgate ayaa laga yaabaa inuu iskaga tago xulka qaranka England ka hor bilaabashada tartanka Euro-da.

Sidaas darteed xidhiidhka FA-ga ayaa raadinaya bedalka Southgate, haddii uu go’aansado inuu tago xulka qaranka England.

Tabobareyaasha Thomas Tuchel, Mauricio Pochettino iyo Brendan Rodgers ayaa ka mid ah tabobareyaasha ugu cad-cad in ay noqdaan tabobaraha xulka Engaldn.

Laakiin Wilshere ayaa xidhiidhka FA-ga u sheegay inay u dhaqaaqaan tabobaraha kooxda Newcastle United ee Howe maadaama uu yahay mid munaasib ku ah xilka xulka England.

“Haddii Gareth Southgate uu ka tago shaqada England, waxaan jeclaan lahaa FA-gu inay isku dayaan inay helaan Eddie Howe,” Wilshere ayaa u sheegay Sun.

“Waan ogahay sida uu Eddie u fiican yahay waqtigeyga Bournemouth laakiin dadku waxay la yaaban yihiin haddii uu tallaabadaas u qaadi karo xul weyn”.

“Hagaag, hadda waxa uu Newcastle ku soo bandhigay sida uu ugu xeel dheer yahay horumarinta ciyaartoyga, waxaanu u beddelayaa kuwa u tartamaya horyaalka”.

Leave a Reply