Dawladda Jabuuti oo Farriin u Dirtay Muwaadiniinteeda ku Dhaqan Somaliland

0
348

Hargeysa-(Dawan):- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti,ayaa farriin u dirtay muwaadiniinteeda ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland kuna war gelisay in ay yimaadaan Safaaradda dalka Jabuuti ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Safiirka Dalka Jabuuti u jooga Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaleye ayaa fariin muhiim ah u diray muwaadiniintooda ku kala nool gobolada Jamhuuriyadda Somaliland , kana dalbaday inay ka soo jawaabaan.

Safiir Kawaaleye oo shalay la hadlayey Telefishanka Horn Cable ayaa ugu baaqay muwaadiniinta reer Jabuuti ee dhaqaalaha hawlgabka qaataa in ay yimaadaan xarunta safaaradda, sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka da’da ah ee aan iman karin safaaradda inay muuqaalo ay ku xaqiijinayaan u soo diraan, waxaanu yidhi,

“Waxaan baaq u diraya dadka reer Jabuuti ee ku nool gayiga Somaliland ee hawlgabka qaata.” Wuxuu u sheegay inay joogaan masuuliyiin ka socda xafiiska hawlgabka Jabuuti oo hawlaha aad u baahnaydeen idiin qaban doona illaa 29 December.

Safiir Kawaaleye ayaa muwaadiniinta reer Jabuuti u sheegay in iyagoo ka duulaya siyaasadda Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumaddiisa inay u fududeeyeen muwaadiniinta helitaanka dhaqaalihii hawlgabka, waxaanu bulshada jabuuti ugu baaqay inay ka soo jawaabaan.

Wuxuu muwaadiniinta Jabuuti ugu baaqay inay muuqaalada dadka aan iman Karin lagu soo diro lambarka WhatsApp ka ee 0025377854747 ama 0025377870208 ama 00252633155159 oo dhamaan safaaraddu leedahay a

 

 

 

 

Leave a Reply