Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Doorashooyinka iyo Masuuliyadda Saaran Xisbiyada iyo Ururada Tartamaya

0
184

Madaxweynaha Qaranku wuxuu farriin u diray muwaadiniint Jamhuuriyadda Somaliland ee aan haysan kaadhka cod-bixiyaha

 

 

 

Hargeysa-(Dawan):-  Madaxweynaha Somaliland  Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in sannadka 2023 ku suntanaan doono sannad doorasho, waxaanu bulshada ugu baaqay inay diiwaangelinta ka qeybqaataan, maadama ay tahay tallaabo Qaranka qiimo weyn u leh.

Madaxweyne Muuse oo shalay ka hadlayey munaasibad uu ku furay tartanka Horyaalka horyaalada Somaliland ayaa ugu baaqay bulshada goboladii aan hore uga faa’iideysan diiwaangelinta inay codkooda ku gaadhaan hoggaaminta dalka halka ugu sarreysa.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland si gaar ah ula hadlay sadexda Xisbi qaran iyo tobanka urur siyaasadeed oo uu usoo jeediyay in ay ka fogaadaan axkasta oo dheg xumo usoo jiidaya qaranka Somaliland iyo hadal kasta oo bulshada kala fogaynaya ,waxaanu ku boorriyya in ay u diyaar garoobaan doorashooyin aan turxaan lahayn oo bulshada walaalaysa oon dadka kala qayni ama aan kala fogayn.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay doorashooyinka iyo diiwaan gelinta sannadka maalmaha koobani ay innaga xigaan innagu soo fool leh ayaa yidhi.“Sannadkan soo socda ee 2023-ku Insha Allah wuxu noqon doonaan sannad doorasho, laba doorasho iyo diiwaangelin baa isu-keen daba yaalla. Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 28-ka Bishan, Qarankana guud ahaan waxaan ugu baaqayaa ciddii kaadh ka lumay, ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxaan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay  codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Xisbiyada iyo Ururadda ka qeybgeli doona doorashada Ururadda cusub, marka diiwaangelintu dhamaato inay bulshada u soo bandhigaan in hadal iyo qorshe muujinaya waayeelnimo iyo bisayl siyaasadeed, waxaanu yidhi,

“waa in wax lagu farxo mooyee, aanu afkiina, addinkiina iyo asluubtiina midna wax laga naxo ka muuqan.” ayuu yidhi.

Waxaanu intaa raaciyay in ay maanka ku hayaan in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay cadaw badan oo ay waajib tahay in aynu ka gaashaamano.

 

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay xeerka  iskaashiga Somaloland iyo Maraykanka oo uu uga mahad naqay labade gole ee Maraykanka oo ansixiyay,Xeerkaas oo hadda hor yaalla Madaxweynaha Maraykanka oo laga sugayo in uu saxeexo siuu u dhaqan galo.

Kulankii ciyaartii furitaanka tartanka Horyaalka Horyaalada dalka oo shalay isku haleeleen kooxaha Gaashaan (Togdheer) iyo DP World (Berbera) ayaa ku dhamaatay barbaro 1:1.

 

 

Leave a Reply