36 Sano ka dib Messi oo Maray Wadadii Maradona, Argentina u Gelbiyay Koobka Adduunka

0
324

36 sannadood ka dib Lionel Messi ayaa maray wadadii Diego Maradona isagoo Argentina u qaaday Koobka Adduunka ka dib markii ay rikoodheyaal 4-2 kaga badiyeen xulka France ciyaartii ugu dambaysay ee ugu fiicneyd abid oo 120 daqiiqo la isla dhaafi waayay barbaro 3-3 ah.

Markii ugu horeysay tan iyo 1986kii ayay Argentina ku guuleysatay Koobka Adduunka, waxayna uga mahadcelinayaan mucjisada Lionel Messi.

Argentina ayaa 2-0 ku hogaamineysay ciyaarta ilaa daqiiqadii 78aad ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Lionel Messi iyo Angel di Maria, laakiin waxaa ciyaarta wax ka bedelay Kylian Mbappe oo 92 ilbiriqsi gudaheed ku barbareeyay Argentina isagoo dhaliyay rikoodhe iyo gool cajiib ah.

Waxay taasi keentay 30 daqiiqo oo dheeri ah in lagu daro, iyadoo markaas uu daqiiqadii 109aad hogaanka ku soo celiyay Argentina Lionel Messi laakiin daqiiqadii 118aad waxaa mar kale barbareeyay Kylian Mbappe oo seddexleydiisa dhameystirtay.

Rikoodheyaashii la ciyaaray waxaa 4-2 ku badisay Argentina ka dib markii ay France ay rikoodhe ka qasaariyeen Coman iyo Tchouameni.

Leave a Reply