Dhir Beeris Loo Dhan Yahay Oo Ka Hirgasha Magaallooyinka Waaweyn Ee Dalka

0
473

Tan iyo intii ay dhasheen Golleyaasha Deegaanka ee dalku waxay qaadeen talaabooyin dhawr ah. Ha ugu mudnaadaan waddooyinka iyo kaabayaal kale oo dhawr ah.

Hase yeeshee, waxa aan isleeyahay wali waxa aanay fahmin hanaanka Dhir Beeris ay bulshadu u dhan tahay oo ka hirgasha magaalooyinkeena waaweyn!

Dawladaha hoose ee dalku Dhir beeristii waxay ku soo koobeen in ay dhawr geed ka qotomiyaan badhtamaha Waddooyinka ugu mashquulka badan oo hada na aan ahayn meelo waaweyn!

Dhirtaasi na intooda badani ma taabo gasho, oo waxaa disha Cagta dadka, gaadiidka iyo cidhiidhiga ka jira wadooyinkaa ay bartilmaameedka ka dhigteen, oo ah kuwo mashquul badan.

Arrintani iilama muuqato mid wax ka bedeli karta hab-fikirka bulshadda ee dhinaca Dhireynta dalka ama in ay qayb ka noqdaan Dhir Beeris loo dhan yahay oo ka hirgasha magaalooyinkeena waaweyn iyo guud ahaan dalka ba.

Waxyaabaha aynu ka filaynay ma ahayn in 100m waxaan dhamayn ay dhawr geed ka taagaan. Balse waxaa filashadeenu ahayd in ay hirgaliyaan magaalooyinkii Cagaar naa ee ay ku ololayn jireen xilligii doorashada.

Waxa aan isleeyahay si loo helo Dhir Beeris loo dhanyahay oo bulshadda qeybaheeda kala duwani ay qayb ka tahay, waxaa fiican in la qaado talaabooyinkan iyo kuwo la hal-maala:-

  1. Degmo kasta waxaa haboon in ay dejiso Qorshaha Dhir Beerista Degmadda (District Plantation Plan), kaas oo uu ku cad yahay yoolka laga leeyahay. Nooca Dhirta la beerayo ee degmadda iyo cimiladeeda ku haboon, Goobaha laga beerayo, wakhtiyada dhir beerista ugu badan la samaynayo iyo sida ay dadweynuhu qayb uga noqon karaan hawl-qabadkaasi.

Qodobkan degmooyinka waxaa ka taageeri doona oo diyaar u ah wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL.

  1. In Xoolaha magaaladda laga saaro, isla markaana cidii ka saari wayda lagu soo roggo in ay qaadaan masuuliyada dhib kasta oo ay xoolahoodu geystaan…

Dadka Xoolaha magaalada ku haysta waxaa lagu soo roggi karaa in laga qaado Khidmad ama Cashuur toos ah oo wax ka geysata cagaarrinta iyo Fayo-dhawrka magaaladda.

  1. Xaafadaha iyo degmooyinka ay ka kooban tahay magaaladu waxaa lagu tar-tansiin karaa Dhiraynta magaaladda.

Iyada oo la abaal-marinayo xaafada ama degmada ugu dhir beerista badan (Abaal-marinta waxaa laga dhigi karaa Waddo, ama goob caafimaad ama Addeeg dheeri ah oo loo qabto dadka ku dhaqan xaafadaasi ama Degmadaasi).

Arrintaasi waxay kor u qaadi doontaa in ay bulshadu sameeyaan Dhir Beeris aad u saraysa oo badan, dadku na waxa ay geli doonaan jawi dhir-beeriseed iyo in ay caashaqaan dhirta.

  1. Wacyigelin in laga sameeyo degmooyinka kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay. Sidoo kale na goobaha waxbarashada, meelaha ay dadweynuhu iskugu yimaadaan, Masaajidadda oo noqon karra meelaha ugu mudan wacyi gelinta bulshadda, iyadu na waa mid mudan in la fuliyo oo ay noqoto joogto.
  2. Ilaalinta Dhirta Xero-u-dhaladka ah ee waaweyn ee ku beeran magaalooyinku waa muhiim. Waxa aanay kor u qaadaysaa wacyiga dadkeena ee ku aadan in ay jeclaadaan la na fal galaan Dhirta.

Waana mid ka mid ah arrimaha dhalin karra in bulshadu dhawrto oo ilaaliso Dhirta iyo Deegaanka ba.

Qodobadani waxa aan is leeyahay waxa ay yarayn karaan in ay guul-daraystaan hawl-qabadyada dhir beerista ee aadka u yar yar ee ay sameeyaan dawladaha hoose ee dalku, taa badelkeeda na waxay sare u qaada,saa in ay guuleystaan dhir badan oo la beeri doono.

Iyada oo arrinta ugu weyni tahay in ay qeyb ka tahay bulshadu, taasina ay keeni karto fahamkooda oo kor u kaca, iyo shaqada oo sidan imika ay tahay boqolaal jeer kor uga kacda.

 

Dhir Beeris Loo Dhanyaha…. Geed Beer Rejo Beer.

 

Leave a Reply