Dawladda hoose ee Hargeysa oo 17 bilood gudaheed ku Dhammeystirtay 21 Waddo

0
234

Hargeysa (Dawan) Hindisaha hiigsiga Maayirka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo golihiisa degaanku ma ahan mid dhaw wakhtigan, balse caasimada Hargeysa waxaa ka socota shaqo baaxad leh oo aan la koobi karin.

Golaha deegaanka cusub ee Hargeysa waxa ay magaalada ka wadaan dedaal culus oo dhanka jidadka ah,  toddobaadkan hadda ugu danbeeyay  waxa ay dhamaystireen jidkii 21-aad muddo sanad iyo badh ah socday.

Golaha degaanka ee caasimada Hargeysa waxa ay wada dadaal naf hurnimo ah kaas oo ay ku dadaaleyso sidii ay jidadka caasimada uga dhigilahaayeen kuwa ku habboon in la maro.

Mid ka mida odayaasha ku nool magaalada Hargeysa ayaa yidhi  “Aniga muddo badan bay igu qaatay in aan aamino lacag intan le’eg ayaa Hargeysa taalay, balse hadda waan aaminay markaan indhahayga ku arkay wax qabadka socda”.

Hadalka odaygani waxa uu daliil u yahay sida ay golaha degaanka ee caasimada Hargeysa uga go’an tahay bilic soo celinta caasimada iyo in ay la jaanqaado caasimadaha dalalka aynu jaarka nahay.

 

 

Leave a Reply