Wasaaradda Deegaanka oo Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya ka Qaybisay Hargaysa iyo Burco Khadar Cabdi Muuse Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuroyadda Somaliland ayaa shalay Gir-girayaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mid ah dadka Danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco. Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco. Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi. Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha, sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo hadal ka jeediyay madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa. “Maanta (shalay), waxaynu halkan u joognaa in aynu qaybino Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya, oo qayb ka ah mashruucii weynaa ee ay wada, wadeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha. Mashruuucaasi marxalado badan ayuu soo maray, oo faa’iidooyin badan u leh qaranka, marka loo eego ilaalinta degaanka. Sanadka na waxaa lagu jiraa gebagabadii mashruuca”. Caydaruus Ismaaciil Muuse, agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday. “Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo, la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland. Waxaana goboladda Sool, iyo Sanaag, laga qaybyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood. In la caawiyay ama la taageeray shirkado yar yar oo soo koraya, oo geedka Garan-waaga u bedelaya Dhuxul. Sidoo kale waxa uu mashruucu caawiyay tan aynu maanta (shalay) u joogno, ee aynu ku qaybinayno in dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, loo qaybiyay kun Gir-girre. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashaasi ay dhimaan isticmaalka Dhuxusha” . Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa. Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light. Iyadoona madashii qaybknta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi. Agaasimaha Haayadda Candlight Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo isna ka halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%. Waxaanu yidhi, “Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya sababta loo sameeyay, iyo faa’iidadoodu waxa weeye, Dhuxusha faraha badan ee ay dadku isticmaalayaan sidii loo yarayn lahaa. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashani ay hoos u dhigaan 50% Dhuxusha ay qoysasku isticmaalayaan. Waana mashruuc ku tacaluqa sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa. Shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya”. Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka. Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen.

0
193
Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada  Jamhuuroyadda Somaliland ayaa shalay Gir-girayaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mid ah dadka Danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco.

Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco.

Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi.

Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.
Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha, sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo hadal ka jeediyay madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa.
“Maanta (shalay), waxaynu halkan u joognaa in aynu qaybino Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya, oo qayb ka ah mashruucii weynaa ee ay wada, wadeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.
Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha. Mashruuucaasi marxalado badan ayuu soo maray, oo faa’iidooyin badan u leh qaranka, marka loo eego ilaalinta degaanka. Sanadka na waxaa lagu jiraa gebagabadii mashruuca”.
Caydaruus Ismaaciil Muuse, agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday.
“Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo, la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland. Waxaana goboladda Sool, iyo Sanaag, laga qaybyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood. In la caawiyay ama la taageeray shirkado yar yar oo soo koraya, oo geedka Garan-waaga u bedelaya Dhuxul.
Sidoo kale waxa uu mashruucu caawiyay tan aynu maanta (shalay)  u joogno, ee aynu ku qaybinayno in dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, loo qaybiyay kun Gir-girre. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashaasi ay dhimaan isticmaalka Dhuxusha” .

Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa.
Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light.
Iyadoona madashii qaybknta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi.

Agaasimaha Haayadda Candlight  Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo isna ka halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%.

Waxaanu yidhi, “Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya sababta loo sameeyay, iyo faa’iidadoodu waxa weeye, Dhuxusha faraha badan ee ay dadku isticmaalayaan sidii loo yarayn lahaa. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashani ay hoos u dhigaan 50% Dhuxusha ay qoysasku isticmaalayaan.

Waana mashruuc ku tacaluqa sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa. Shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya”.

Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka.
Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen.

Leave a Reply