Xidhiidhka FA oo Shaaciyey Go’aanka Mustaqbalka Tabobare Gareth Southgate

0
189

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey, in tababaraha xulka qaranka dalkaas ee Gareth Southgate uu sii joogi doono oo uu sii laylin doono xulkaas illaa sannadka 2024.

Gareth Southgate ayaa habeen hore ka saaray madmadowga mustaqbalkiisa kaddib markii uu diiday inuu xaqiijiyo inuu joogayo iyo inuu baxayo maalmo kaddib markii uu warbaahinta u sheegay in aanu hubin waxa uu yeelayo balse uu maalmo kooban oo fasax ah u baahan yahay.

War-saxaafadeed uu shalay soo saaray xidhiidhka  kubadda cagta Ingiriiska ayaa  lagu sheegay in Gareth Southgate uu sii ahaan doono tababaraha xulka England oo uu hoggaamin doono Euro 2024, markaas kaddibna laga wada fadhiisan doono go’aanka xiga.

Guddoomiyaha xidhiidhka FA, Mark Bullingham ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray ku yidhi: “Waxa aanu ku faraxsanahay in aanu xaqiijino, in Gareth Southgate uu sii wadan doono tababarenimada xulka England oo uu hoggaamin doono Euro 2024.

Leave a Reply