Mid ka mid ah Xiddigaha Chelsea oo Diiday inuu Caddeeyo Mustaqbalkiisa Kooxda

0
245

Garabka kooxda Chelsea ee Christian Pulisic ayaa diiday inuu mustaqbalkiisa caddeeyo kahor suuqa soo socda ee January.

Pulisic ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay bixitaan ayaa Koobka aduunka wacdarro usoo dhigay xulkiisa Maraykanka isagoo hal gool iyo laba caawimood kusoo sameeyay afar kulan.

Ka dib markii uu muddo fasax ku maqnaa haatan Pulisic ayaa kusoo laabtay Chelsea isagoo isku diyaarinaya qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Pulisic ayaa tababarihii hore ee Thomas Tuchel u ahaa mid badi bedel u ah oo aan fursad badan ka helin, markale ayuu isla doorkaas uga ciyaaraa macalinka cusub ee Graham Potter.

Inta Koobka aduunku socday kooxaha lala xidhiidhinayay Pulisic ayay kamid yihiin Manchester United, Arsenal iyo Newcastle United iyadoo xataa Chelsea soo dhawayn doonta dalabaadka laga soo gudbiyo.

24 sano jirkaas oo mustaqbalkiisa haatan ka hadlaya ayaa sheegay inuu haatan diirada saarayo Chelsea balse ay waxkasta ka dhici karaan kubadda cagta.

“Haatan anigu gabi ahaanba waxaan kusoo laabtay Chelsea, diirada ayaan saarayaa waxaanan diyaar u ahay inaan dhammaystirashada xilli ciyaareedka balse waad ogtahay sida ay wax u shaqeeyaan kubadda cagta dhexdeeda”.

“Arrimuhu degdeg ayay isku bedelaan waxkasta ayaana dhici kara, wakhti xaadirkan anigu kaliya naftayda ayaan riixayaa waxaanan ku shaqaynayaa Chelsea sababtoo ah waa halka aan joogo haatan”

 

Leave a Reply