Saddex Shuruudood Oo Zidane uu ku Xidhay, Kusoo Laabashada Shaqada Tabobarenimada

0
178

Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa saddex shuruudood ku xidhay inuu kusoo laabto shaqada tababarenimada ee naadiyada, sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska.

Zidane oo shaqadiisa tababarenimada ka bilaabay Real Madrid oo laba-jeer oo kala duwan uu layliyey, guulo badanna la gaadhay ayaan wali koox kale tegin, waxaanu muddo sannad iyo dheeraad ah yahay shaqo la’aan markii uu iska casilay Los Blancos bishii May ee sannadkii hore.

Waqtigiisii koowaad ee Real Madrid oo uu laba sannadood iyo badh layliyey, waxa uu kula guuleystay laba horyaal oo LaLiga ah, saddex Champions League iyo koobab kale intii u dhaxaysay 2016 illaa 2018.  Mar labaad ayuu dib ugu soo laabtay sannadkii 2019, waxaana uu joogay laba xilli ciyaareed.

Bilihii ugu dambeeyey waxa Zidane lala xidhiidhinayay xulka qaranka Faranskiiska oo la sheegayay in uu beddelayo, laakiin hdda waxa lasoo sheegayaa in ay kala-qaybsanaan u dhaxayso xidhiidhka kubadda cagta dalkaas, taas oo ay suurtogal tahay inuu sii joogo Didier Deschamps.

Juventus ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Zinedine Zidane, hase yeeshee waxa iyagana lasoo sheegayaa in ay danaynayaan kooxaha PSG, Bayern Munich iyo xataa Real Madrid oo haddii uu ka tago Carlo Ancelotti dib u magacaabi karta.

Si kastaba, Zidane ayaa la sheegay in uu saddex shuruudood ku xidhay kooxaha doonaya, waxaanay midda koowaad tahay in kooxda uu tababaraha u noqonayo, in ay ahaato naadi xooggan oo awood u leh inay koobab ku guuleysato. Shuruudda labaad ayaa ah in kooxdaasi yeelato qaab-dhismeed wanaagsan oo ay kala-dambayn ka jirto iyo midda saddexaad oo ah in awood buuxda loo siiyo inuu shaqadiisa farsamo qabsato oo aanay cidina soo farogelin.

Leave a Reply