Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta oo ka hadlay Qaadashada Kaadhka Diiwaangalinta Codbixiyaha

0
176

Hargeysa (Dawan):-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland  Siciid Xasan Habbane ayaa ka hadlay Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee 28 bishan ka bilaabmi doonta dalka.

Siciid Xasan Habbane oo Shalay Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa  sheegay in xaq dastuuriya  ay tahay in qof kastaa qaato Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka,

Siciid Habane oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Wuxuu qaranku u diyaar garoobayaa imika waxyaabaha dawladnimadeena qaybta ugu weyn ku leh ee ah in la garowso in Dawladnimadeenu in ay tahay mid shaqaynaysa oo nidaamka Doorashooyinka,sida mudaysan 28 Bishan December waxa bilaabmi doona Diwaangalintii Codbixiyayaasha.waxaana kaadhka qaadan doona qof kasta oo aan hore isku diwaangalin,”.

Waxaa  kale oo uu ka hadlay  Wasiir ku xigeenku in xaq dastuuriya ay tahay in la qaato Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.Waxaanu yidhi”Waa xaq Dastuuriya in qofku qaato  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyeyaasha,waxaanan leeyahay Muwaadiniinta Somaliland meel kasta oo ay joogaan xaqa dastuurku kuu dammaanad qaaday ha, lumin ee Kaadhka Codbixinta qaado.maalinta codka la bixinayo codkaaga bixi,taasi waxay kuu suuragalin doontaa  in aad xaq u yeelato in aad  la xisaabtami karto masuulka aad doorato muwaadinka hadii aanu codkiisa bixin isaga ayaa ka gaabiyay masuuliyadiisii,”.

   

 

Leave a Reply