Waxaanu Shir ku Yeelanay 23-ka Maayer ee Degmo-doorashooyinka Dalka…” wasiir Kaahin

0
279

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay kulan la qaatay maayarada 23 ka  degmo Doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankaas ayaa loogu diyaar garoobayey Diiwaangelinta Codbixiyayaasha   Somaliland, taasoo la qorsheeyay in ay dalka ka qabsoonto 28-ka bishan.

Wasiirka ayaa faray Maayarada Dalka in ay u diyaar garoobaan Diiwaangelinta, taasoo ka dhacaysa deegaamada ay maamulaan Maayarada dalku.

 

Sidoo Wasiirku wuxuu warbixin ka siiyey Maayarada halka ay marayso diyaar garowga Diiwaangelinta Kaadh qaatashada Codbixiyayaasha Somaliland.

 

Waxaanu yidhi, “Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waa kuwii hore ugu dhawaaqay komishanka doorashooyinku in 28-ka bishan laga bilaabayo dhamaanba goboladda iyo degmo-doorashooyinka dalka.

 

Wasaarradaha Arrimaha gudaha, iyo Gaashaandhigu, waa labadda wasaaradood ee ay hoos yimaadaan dhamaanba noocyadda kala duwan ee ciidamadda qaranku.

 

Labadaa wasaarradood shir u gaar ahna iyagaa hore u yeeshay, komishanka doorashooyinka na shir bay la yeesheen. Waxaana la isla gartay, oo ay ciidamadu masuul ka yihiin arrimaha nabad-gelyada ee goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay ka dhacayso, iyo gobol kastoo dalka ah, iyo dhamaanba xuduudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland  in ay nabad-gelyadda sugaan, arrintaa na waa la isla gartay”.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,ayaa intaa raaciyay”Maanta (shalay), waxaanu halkan shir ku yeelanay 23-ka maayer ee dhamaanba degmo-doorashooyinka dalka. Shirkaasina waxaanu ku xoojinaynay in ay maayarradu, waajibaadka ka saaran, arrimaha diiwaan-gelinta in ay qaybtoodda ka qaataan. Barnaamijyadii, iyo qorraaladii lagama maar maanka ahaana waan u gudbiyay”ayuu yidhi wasiirku

 

 

 

 

Leave a Reply