Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Shir la Qaatay Siyaasiyiin ka Soo Jeedda Gobolada Badhan iyo Buuhoodle

0
181

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku boorriyay saddexda xisbi qaran iyo ururadda siyaasada ba in ay u midoobaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

 

Waxaanu u soo jeediyay in ay bulshadda ay ku baarujiyaan in ay qaataan kaadhadhka codbixinta, isla markaana ay qaybtoodda ka qaataan hawshaasi.

 

Maxamed Kaahin Axmed, oo ka warbixinayay kadib kulan uu shalay xafiiskiisa kula yeeshay wasiirro iyo  xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda, iyo dhamaanba Maareeyeyaasha, agaasimeyaasha guud, iyo masuuliyiinta ka soo jeedda goboladda Sool, Sanaag,Badhan  iyo gobolka Buuhoodle.

 

Kuwaasoo uu kala hadlay sidii dadweynaha ku nool goboladaasi loogu baraarujin laaa in ay qaataan kaadhka codbixinta, maadaama oo goboladaasi aanay hore si xoog ah uga dhicin diiwaan-gelintu.

 

 

Wasiirka oo shirkaas ka warbixinayay na waxa uu yidhi “Waxaan la shiray wasiirro, xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda, iyo dhamaanba Maareeyeyaasha, agaasimeyaasha guud, iyo masuuliyiinta ka soo jeedda goboladda Sool, Badhan, iyo gobolka Buuhoodle. Goboladaasi oo ah goboladii aanay hore xoog diiwaan-gelintu uga dhicin.

Shirkaasi ayaanu kaga arrinsanaynay sidii loo sii xoojin lahaa abaabulka wacyigelinta, iyo fulinta hawsha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, oo la doonayo in goboladdaa xoogga la saarro, xoojinta  abaabulka hawl fulinta nabad geliyadda, iyo hawsha diiwaan gelinta dhamaanteed, inta ay socoto, wixii tallo soo jeedin ah, iyo qaabka looga hawl gelayo.

 

Diiwaan gelinta, muwaadin kastoo reer Somaliland ah madax iyo Mijabo ba, waxaa waajib ku ah, isagoo gudanay waajibaadkiisa dastuuriga ah inuu si nabad geliyo ah isku diiwaan geliyo”.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin, ayaa fariin u diray dhamaanba bulso weynta reer Somaliland oo uu ugu baaqay in ay kaadhka codbixinta qaataan.

Isagoona tilmaamay in ay waxyaabo badan oo qaranimadda faa’iido u leh ku jiraan qaadashadda kaadhka codbixinta.

“Waxaan fariin gaadhsiinayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland in ay is diiwaan geliyaan. Danta qaranka ayaa ku jirta, nabad geliyadeena ayaa ku jirta, horumarka qaranka ayaa ku jira, xoojinta nidaamka dimoqraadiyadda ayaa ku jirta, xoojinta doorashooyinkeenna ayaa ku jira. Muwaaninku markuu is-diiwaan geliyo, wuxuu xaq u leeyahay inuu ciduu doono, doorto” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

 

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha gudaha JSL ayaa ugu baaqay xisbiyadda, iyo ururadda siyaasadda in ay bulshadda ku wacyigeliyaan in ay kaadhadhka codbixinta qaataan.

 

Waxaanu yidhi, “Ururrada siyaasadda ee hadda soo baxay, iyo saddexdii xisbi qaran ee hore u jiray, iyagana waajib waxaa ku ah diiwaan gelinta in ay ka midoobaan, ka na wada shaqeeyaan, dadweynaha reer Somaliland na in ay ku abaabulaan, kuna wacyi geliyaan in ay is diiwaan geliyaan. Waxaanan leeyahay diiwaan gelin baa maanta la joogaa, dadweynaha reer Somaliland-noow, qof walow ba waajib dastuuriya ayay maanta kugu tahay inaad is diiwaan geliso”

 

 

 

 

 

Leave a Reply