๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ee ๐—๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ

0
487

Gabilay(Dawan):-ย  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladdaย  Somaliland ย ๐—œ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—น ๐—ฆ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ (๐—•๐—ฎ๐˜„๐—ธ๐—ฎ๐˜…)ayaa kormeeray barnaamijka farsamada gacanta ee haweenka xabsiga Gabilay ku xidhan la baro.

Barnaamijka oo ah kii ugu horreeyey ee wax lagu baro haweenka maxaabiista ah, ayaa isugu jira barista dawaarka, cunto-karin iyo farsamada xino-marinta iyo Make-up.

Waxa kormeerka Agaasimuhu ku hoggaaminayey saraakiil Wasaaradda Caddaaladda ah iyo hayโ€™adda UNODC ka tirsan, waxaanu Agaasimuhu soo indho indheeyey maxaabiista oo ku guda jirta waxbarashada, isla markaana si toos ah u qabanaya farsamada la baray ee loogu talagalay in ay ku shaqaystaan, kagana waantoobaan falalka dambiyada ah ee loo xidhay

Waxbarasahda lagu tababaray haweenka Maxaabiista ah ee ku jira xabsiga Gabilay,ayaa wax badan ka bedelaya noloshoodii hore isla markaana waxay xabsiga ka soo baxayaan iyaga oo xirfadleyaal ah.

Leave a Reply