20-kii Saxeex ee ugu Qaalisanaa ee Kooxaha Premier League Sameeyeen Suuqii January

0
382

Suuqa iibka ciyaartoyda ee waqtiga jiilaalka ee bisha January ayaa maalmo kaddib furmi doona, waxaanay kooxaha waaweyni ku dedaali doonaan inay la saxeexdaan xiddigo ay isku xoojiyaan, si ay horyaallada iyo tartamada kale ugu dagaallamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Naadiyada waaweyn ee horyaalka Premier  League ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo kaddib markii uu soo dhamaaday Koobka Adduunka oo muddo 40 maalmood ah ay u xidhnaayeen ciyaaraha horyaallada ee kala duwan.

Xiddigo badan ayaa daal kala soo laabanaya koobka adduunka, kuwo kalena dhaawacyo iyo jugo ayaa soo gaadhay, waana sababta ay koox walba u doonaysa inay u samayso saxeex.

Inkasta oo bisha January aanay kooxaha waaweyni caan ku ahayn inay sameeyaan saxeexyo badan, haddana sannadkan waxa isbeddel keenay oo suuqan mid muhiim ah ka dhigay Koobka Adduunka, iyadoo kooxuhu ay u kala dheeraynayaan ciyaartoydii isku muujiyey koobka Adduunka.

Qormadan waxa aanu si gaar ah ugu eegaynaa ciyaartoydii ugu qaalisanaa ee kooxaha horyaalka Premier League ay la saxeexdeen amaba iska iibiyeen suuqa bisha January, waxaana kaalinta koowaad kaga jira xiddiga  reer Brazil ee Philippe Coutinho oo xagaagii 2017 ay Liverpool £142 milyan oo Gini kaga iibisay Barcelona, balse ku fashilmay Camp Nou oo dib ugu soo laabtay horyaalka Premier League iyadoo Aston Villa kula soo wareegtay £20 milyan oo Gini oo kaliya.

Ciyaartoyga labaad ee ugu qaalisanaa ee kooxaha Premier League la kala saxeexdeen waa Virgil van Dijk oo sannadkii 2018 ay Liverpool kaga soo iibsatay Southampton lacag gaadhaysa £75 milyan oo Gini.

Halkan kaga bogo 20kii saxeex ee ugu qaalisanaa ee ka dhacay horyaalka Premier League suuqa bisha January:

20) Andy Carroll (Newcastle => Liverpool, 2011 – £35m)

19) Cedric Bakambu (Villarreal => Beijing Guoan, 2018 – £35.4m)

ADVERTISEMENT

18) Leandro Paredes (Zenit => PSG, 2019 – £36m)

17) Juan Mata (Chelsea => Manchester United, 2014 – £37.1m)

14=) Lucas Moura (Sao Paulo => Paris Saint-Germain, 2013 – £38m)

14=) Alex Teixeira (Shakhtar Donetsk => Jiangsu Suning, 2016 – £38m)

14=) Paulinho (Barcelona => Guangzhou Evergrande, 2019 – £38m)

13) Bruno Guimaraes (Lyon => Newcastle, 2022 – £40m)

12) Luis Diaz (Porto => Liverpool, 2022 – £49.9m)

11) Fernando Torres (Liverpool => Chelsea – £50m)

10) Ferran Torres (Manchester City => Barcelona, 2022 – £54.7m)

9) Bruno Fernandes (Sporting => Manchester United, 2020 – £55m)

8) Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund => Arsenal, 2018 – £56m)

7) Diego Costa (Chelsea => Atletico Madrid, 2018 – £57m)

6) Aymeric Laporte (Athletic Bilbao => Manchester City, 2018 – £57.2m)

5) Christian Pulisic (Borussia Dortmund => Chelsea, 2019 – £57.56m)

4) Oscar (Chelsea => Shanghai SIPG, 2017 – £60m)

3) Dusan Vlahovic (Fiorentina => Juventus, 2022 – £66.6m)

2) Virgil van Dijk (Southampton => Liverpool, 2018 – £75m)

1) Philippe Coutinho (Liverpool => Barcelona, 2018 – £142m)

 

 

Leave a Reply