Guddida heer Qaran ee Waxbarashada Dalka oo Ansixiyay Xeer Hoosaadkooda

0
219

Hargeysa (Dawan) Guddida heer Qaran ee waxbarashada Somaliland ayaa yeeshay kulankoodii 8-aad, kaas oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddida Prof. Saleeban Axmed Guuleed.
Kulankan oo bishiiba laba jeer qabsooma ayaa lagu lafaguray ajandeyaal kala duwan oo ku saabsan sidii qorshe looga yeelan lahaa horumarinta waxbarashada dalka Somaliland.
kulankaas ayaa muddadii uu socday waxa diiradda lagu saaray meelmarinta xeer hoosaadka guddida, kaas oo ay rayigooda ka dhiibteen xubnaha guddida waxbarashada heer Qaran, iyaga oo intaas kadib ansixiyay xeer hoosaadka guddida iyada oo ay goobjoog ahaayeen badi xubnaha guddidu.
Gaba’gabadii guddoomiyaha guddida heer Qaran ee waxbarashada Somaliland Pro. Saleebaan Axmed Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in xeer hoosaadka guddidu uu sidaasi ku meelmaray, isla markaana la islaqaatay in ay dejiyaan qorshe saddex biloodle ah oo ay kaga qayb qaadanayaan horumarinta waxbarashada dalka.

Leave a Reply