Argentina oo ka Fikiraysa Billadda Halyeynimada ee lagu Xusuusan Doono Messi

0
420

Dawladda Argentina ayaa ka fikiraysa sidii ay u maamuusi lahayd xiddigeeda Lionel Messi, maalmo kaddib markii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka oo ay ugu dambaysay sannadkii 1986kii, balse ay sidoo kalena qaadeen 1978kii.

Lionel Messi ayaa ku suntan guusha Koobka Adduunka ee saddexaad ee Argentina ay ku guuleysatay, waxaana hadda loo tolayaa billad geesinimo oo lagu xasuusan doono abid, taas oo jiil walba oo soo kaca ay maalin walba arki doonaan sawirradiisa.

Sida uu qoray wargeyska El Financiero, Lionel Messi ayaa laagu sawiri doonaa lacagta dalkaas, waxaana uu baanka dhexe ee Argentina la doonayaa in uu sawirka xiddigani kasoo muuqdo lacagta noodhka ee 1000-peso.

El Financiero waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta ugu sarraysa Argentina iyo maamulka baanka dhexe ay ka wada hadleen in Messi lagu sawiro lacagta, waxaana sidoo kale ka muuqan doona lacagta dalkaas garanka No.10 ee xulka Argentina oo uu dhabarka kaga qoran yahay Lionel Messi.

Fikir kale  ayaa isagana la sheegay in miiska lasoo dhigay, waana in garanka Messi dhabarka lagaga qoro ’10 GOAT’, laakiin uu sawirkiisuna raacsanaado, halka magaciisa laga reebayo.

Baanka dhexe ee Argentina ayaa hore ugu sawiray lacagta shilimada (qaddaadiicda) ee dalkaas xiddigihii Argentina ee ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 1978kii oo ahayd markii ugu horreysay ee ay qaadaan koobkan.

Leave a Reply