Arrin Lama Filaan ah oo uu Sameeyey Mbappe 72 Saacadood Kaddib Finalkii Koobka Adduunka

0
312

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa sameeyey arrin layaab leh markii shalay lagu arkay isaga oo ku sugan garoonka tabobarka kooxdiisa Paris Saint-Germain, isla markaana uu la baxay dharka oo uu xidhay kabaha iyo goomada si uu tababarka ula qaato ciyaartoydiisa.

Mbappe oo saddex maalmood ka hor saddexlay ka dhaliyey finalkii Koobka Adduunka ee uu xulkiisa rikoodheyaasha lagaga qaaday koobka oo Argentina ay ku guuleysatay.

Qorshaha tabobare Christopher Galtier ayuu ka baxsanaa Kylian Mbappe illaa inta laga gaadhayo sannadka cusub, balse warbaahinta ayaa mar kaliya ku war heshay Mbappe oo kasoo degaya baabuurkiisa oo soo gelaya garoonka tabobarka, waxaanay la boobeen sawirro.

Markii hore lama moodayn inuu tababarka la bilaabayo ciyaartoyda kooxdiisa oo kulan saaxiibtinimo duhurnimadii maanta ciyaarayay balse waxa la moodayay inuu u socdo arrimo kale oo uu soo booqday kooxda maadaama ay ahayd inuu fasax galo.

Mbappe oo doraad ay da’diisu noqotay 24 jir, ayaa waxa uu saxaafadda ku tuuray laba kalmadood markii uu tababarka ka bilaabay garoonka Camp des Loges, waxaanu yidhi: “Waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, fiicanahay oo aad u fiicanahay.”

PSG ayaa laa sheegay in ay hore ugu qorshaysay Kylian Mbappe iyo ciyaartoydeeda qaybta ka ahaa finalkii Koobka Adduunka inay galaan toban maalmood oo fasax ah oo ay qoysaskooda la qaataan ka hor inta aanay tababarka kusoo laabanin, taas oo ka dhignayd in aanay ciyaarin kulanka horyaalka Ligue 1 ee Strasbourg ee Arbacada December 28, hase yeeshee Mbappe ayaa hadda diyaar u ah inuu dheelo kulankaas.

Leave a Reply