Geeridu Qofna Gacanta Uguma Jirto!

0
300

 

Sanadkii 1933 ayaa nin lagu magacaabi jiray Henry Ziegland  ay gabadhiisu is dishay ka dib markii uu qoyskoodii burburay. Qoyska gabadhiisa ayaa ku canaantay inuu isagu sabab u ahaa isidilkeeda, iyadoo wiil ay walaalo yihiina ugu hanjabay inuu ka aargoosan doono oo dili doono Henery.   Wiilkaasi ayaa Henery oo maalin fadhiya beertiisa dhexdeeda rasasaas bastoolad ka soo dhacaday ku dhuftay, ka dibna dhulka ayuu ku dhacay mase dhiman.  laakiin ninka soo riday oo aha gabadha walaalkeed ayaa u qaatay inuu dhintay. Henry rasaastu way jiidhaysay waxayna gashay jiradda geed weyn oo beerta dhexdeeda ah.

Henery wuxu noola sanado badan ka dib markii uu shilkaasi ku dhacay , waana uu ka sheekayn jiray sida uu uga badbaaday geerida. Henery ayaa wakhti danbe goostay inuu beerta geedaha ka jaro isagoo geedkii ay rasaastu dhex fadhiday ku xidhay walax alaad yar  oo qarxisa si uu usoo dhaco. Laakiin taasi ayaa sababtay inay rasaastii geedka ku jirtay qarxado isla markaana ay madaxa ka gasho Henery isagoo isla markiiba halkaasi ku dhintay.  Wakhtigii Allah ugu talo galay inuu dhinto ayuu ku dhintay isla rasaastii muddo sanado badan ka hor loogu talo galay inuu ku dhinto.

Leave a Reply