Messi oo Doonaya inuu Garoonka PSG Geeyo Koobka Aduunka

0
376

Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayay wararku sheegayaan inuu doonayo inuu gegida kooxdiisa Paris Saint-Germain ee Parc des Princes geeyo Koobka aduunka ee uu Argentina kula guuleystay.

Messi ayaa ahaa hoggaamiyaha Argentina ee Finalkii Koobka aDduunka AxaDdii isagoo laba gool ka dhaliyay ciyaar ay rikoodheyaal guul ku gaadheen oo aad u xiiso badnayd.

Sida lagu sheegay haatan wargeyska Goal, 35 sano jirkaas ayaa doonaya inuu Parc des Princes kusoo bandhigo Koobka adduunka balse maamulka PSG ayaa ka cago-jiidaya.

Haddii aanay Argentina xul aan ahayn France kaga guuleysan lahayd Koobka adduunka kaddib ma jirteen sabab ay Paris u diido in Messi Koobka keeno garoonkeeda balse haatan ayay ka cabsi qabaan dhibaato kaga timaada jamaahiirtooda.

Marka laga yimaado jamaahiirta sidoo kale haddii uu Messi tallaabadaas qaado ayay qalbi jab ku abuuri kartaa xiddiga kaliya ee Paris xulka France ugu jiray ee Kylian Mbappe oo Finalkii saddex gool ka dhaliyay balse haddana Koobka waayay.

Koob iyo koob la’aanba dib u midawga Messi iyo Mbappe ayaa noqon doona mid aan fiicnayn gaar ahaan in goolhayaha Argentina ee Emiliano Martinez dhawr jeer ku maadsaday Mbappe inta dabaaldegoodu socday iyadoo uu markhaati ka yahay Messi oo kabtankiisa xulka ahi.

Kooxda tabobare Christophe Galtier ayaa kusoo laabanaysa tartamada 28-ka bishan iyagoo soo dhawayn doona kooxda Strasbourg xilli ay shan dhibcood hoggaanka Ligue 1 kaga hayaan kooxda Lens.

 

Leave a Reply