Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha oo Safar Shaqo ku Tagay Degmada Dacarta

0
395

Hargeysa (Dawan)Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa shalay socdaal la xidhiidha  qaadashada kaadhka Diwaangalinta  Codbixiyayaasha ku tagay Degmada Dacarta ee ka tirsan Gobalka Maroodijeex.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa oo kulan la qaatay dadweynaha  ku dhaqan Degmada Dacarta  ayaa waxa uu kala hadlay sidii ay u qaadan la haayeen Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha ee dalka ka bilaabmi doonta 28 bishan.

Maxamuud Jaamac Warfaa  ayaa waxa uu sheegay in qaadashada ay tahay xaq qofka muwaadinka u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu idkiiku nimid in aanu idiin soo gudbino in Degmada Dacarta iyo deegaamada hoos yimaadaa ay is Diwaangaliyaan,qofkii 2011 aan is Diwaangalin waa in uu is diwaangaliyo.qofkii uu ka lumay Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha iyo qofkii aan qaadan kaadhka  waa  in uu isdiwaangaliyo.waa muhiim Diwaangalinta Codbixiyayaasha waa xaq qofka muwaadinka u leeyahay in uu wax doorto lana doorto muwaadin ha,lumin xaqaaqa,”.

Guddoomiye ku Xigeenka Wargeyska Dawan Saleebaan Cabdi Cali oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu ku booriyay dadka Degmada Dacarta in ay qaataan Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.Waxaana hi yidhi”Degmada Dacarta waxa ay ka mid tahay.degmooyinka Diwaangalinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka ka  dhacayaan,waxaana halkan  iskugu nimid in aanu idiku wacyigalino in loo diyaar garoobo Diwaangalinta,”.

Sidoo kale dadweynaha Degmada Dacarta ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadan doonaan kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka.

Leave a Reply