Hooyo 4 Nin oo Maanka ka Buka Guriga ugu Silsiladeysan Yihiin iyo fariin ay bulshada u Dirtay

0
417

Hargeysa (Dawan) Hooyo Cibaado Maxamed Xasan, waa hooyo madaxa la gashay da’da 74 sano, waxa qoyskeedu waxa uu ka kooban yahay 10 qof, 4 ka mida guriga ayay ugu Silsiladaysan yihiin, xaalad nololeed oo adag ayay ku wajahaysa xaafada Sheekh Cumar oo 9 Km dhinaca Koonfur Galbeed kaga began magaalada Hargeysa.

Hooyo Cibaado waxa ay bulshada reer Somaliland gudo iyo dibedba ka codsanaysa in ILLAAHEY dartii loo soo kaameeyo, isla markaana laga caawiyo daaweyntooda iyo sidii adeeg bixin caafimaad loogu helilahaa.

Hooyadani iyada oo hadalkeeda siiwada waxa ay sheegtay in lagu leeyahay daawooyinka ay siiso 4-ta nin ee guriga ugu Silsiladaysan.

Waxaaney tidhi.“Anigu iyaga uun noloshooda dabar sidii aan isulahaa ayaan daalay, waxa aan bulshada Islaamka ah ka codsanaya inay soo caawiyaan.

Afar nin weeyaan saddex anaa dhalay midna waa walaalkay hadda duruufta joogta waad ogtihiin Guriga Sandaqada ah ayaanuwada gala qofna qof lama heshiin karayo marka walaalaha Muslimiinta ah gudo iyo dibedba waxaan ka codsnaya in aad isoo caawisaan.

Hadda nimankani xannuunkan waxa ay qabaan 12 sano dhab ahaan cudurka iyo caafimaadka labadaba ALLAA haye walaal isoo caawiya.”

Maxamed Xuseen Xaaji Maxamed oo ay muddo badan jaaar ahaayeen Hooyo Cibaado ayaa sheegay in hooyadan ay la daala dhacayso nolosha 4-ta qof ee ALLE xuskooda ka qaaday, waxaanu bulshada Islaamka ah ka codsaday in ILLAAHEY dartii loo soo kaalmeeyo, isla markaana loo soo dhaga’nuglaado xaalada iyo duruufta adag ee hooyadani ay la daala dhacayso.

Waxaanu yidhi. “Anigu waxaan ahay dadka lajaarka ah waxa guriga ugu xidhan saddex ay dhashay iyo walaalkeed oo dhammaanba xannuunka Maanka u jifaa, way daashay sidii ay ula daala dhacaysay wiilashan, dhammaan bulshada Muslimiinta ah waxa aanu ka codsanaynaa inay ILLAAHEY dartii u soo kaalmeeyaan.

Haddii ay xagga caafimaadka tahay laga soo caawiyo, cunto laga soo caawiyo, walaal waxa aanu idinka codsanayna in aad loogu dhaga nuglaado oo kaalmada hooyadan iyo wiilasheeda laga soowada qayb qaato”

Mustafe oo ka mida dadka hooyadan la jaarka ah ayaa sheegay in afarta qof ee xannuunsanaya ay guriga ugu silsiladeysan yihiin, waxa uu bulshada Muslimiinta ah ka codsaday in ILLAAHEY dartii loo soo kaalmeeyo, isla markaana kii Cilaaj iyo goob caafimaad gayn kara iyo kii waxay cunaan u keeni karaba ay baahi weyn u qabaan maanta.

Waxaau yidhi.“Afar qof ayaa hooyadan ka xannuunsanaya afartoodubana Guriga ayay ku xidhan yihiin iyagii ayaaba islaynaya oo aan heshiinayn, anugu jaarkeeda ayaanu nahay waanu damqanay, marka ciddii Cilaaj geyn karta iyo ciddii si kale u soo caawin kartaba ILLAAHEY hortii haloo soo caawiyo”

Ciddii caawinaysa ee ILLAAHEY dartii wax ula baxaysaa hakala xidhiidhaan telefoonkeeda gacanta ee Telesom 0637868728

Leave a Reply