Sharciyo Cusub oo lagu Soo Kordhinayo Horyaalka Serie A Sannadka Cusub

0
386

Horyaalka Serie A ayaa sharciyo cusub soo kordhin doona sannadka dambe iyagoo mamnuucay isticmaalka garamaanta qaarkood.

Sharciga cusub wuxuu kooxaha ka hor istaagayaa inay funaanadooda martida ka dhigaan midabka cagaarka ah, halka sidoo kale kooxaha lagu xadidayo inay funaanad ay nashqad xariijimo ah yeelato.

Go’aanka sharciyadaan cusub looga hirgelinayo horyaalka Talyaaniga ayaa ka danbeysay ka dib cabasho ka timi shirkadaha xayaysiinta iyo weliba TV-yada baahiya horyaalka.

Inta ay ciyaaraha socdaan, ciyaartoyda qaarkood oo xidhan  funaanad cagaar ah waxay noqdaan kuwa aan laga arki karin tv-ga.

Kooxaha waxaa sidoo kale lagu amray in nashqadooda garamaanta martidu ay ka duwanaadaan, ta gurigooda markay ku ciyaarayaan.

Haddii funaanada koowaad ay tahay mid madow, garamaanta martidu waa inay noqdaan midab iftiin ah.

Haddii garamaanta koowaad ama kuwa garoonkoodu ay leeyihiin nashqad xariijimo, funaannada martidu ma yeelan karto nashqad la mid ah.

Sharciga waxa uu dhaqan galayaa xilli ciyaareedka soo socda ee 2023-24, laakiin waxaa qasab laga dhigayaa xilli ciyaareedka 2024-25.

Midabka cagaaran waa loo ogol yahay inay noqoto funaanadda 1aad ama ta marka gurigaaga aad ku ciyaarayso ay xidhanayaan. Sidaasi darteed kooxda Serie A ka dhisan ee Sassuolo waa ay sii heysanayaan garamaantooda cagaaran ee dhaqanka u ah.

Kooxo badan ayaa naqshad xariijimo u yeela funaanadooda sida AC Milan, Inter Milan iyo Juventus laakiin lagama ogolaan doono inay funaanadooda martida sidaas u nashqadeeyaan.

Sharciyada cusub ayaa sidoo kale dhigay inay qasab tahay in goolhayaha saddex funaanadood oo kala duwan loo sameeyo xilli ciyaareedkii si looga fogaado inay midabkiisa uu la mid noqdo kooxda uu ka soo horjeedo.

Sharciyadan waxaa la isku dayay sannadkii 2021kii laakiin laguma guuleysan in la hirgeliyo.

 

Leave a Reply