Boqortooyada Buuraha Yurub!

0
229

Dawladda Boqortoyada Liechtenstein waxay ku taalla deegaanka u dhexeeya dalalka Austeria iyo Switzerland buuraha Alip.  Liechtenstein waa dalka afraad ee ugu yar Yurub. Caasimadda ayaa ah magaalada Vandus, masuuliyiinta Liechtenstein ayay yaab ku noqotay sida ay denbiyadu hoos ugu dhaceen dalkaasi.

Liechtenstein dadka ku nool tiradoodu waa 38000 qof , tirokoobkii la qaaday 2019, waxayna ku hadlaan luqadda Jarmalka, Bedka dalkaasi yar ayaa 160 km2 . Lacagta ay isticmaalaan waa Fraranka dalka Swiserland. Dakhliga dawladda soo gallaa waxa uu badan yahay cashuuraha gudaha, marka laga reebo dalxiiska kooban ee buuraha Alip lagu yimaaddo.

Xukuumadda ayaa sheegtay in dadka muwaadiniintu aanay xidhin albaabka guryaha ama gancasigooda taasi oo muujisay  amaanka buuxa ee ay dadkaasi haystaan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in denbigii ugu dambeeyay uu halkaasi ka dhacay 10 sano ka hor. Liechtenstein ayaa noqotay dalka labaad ee dunida shaqo la’aantu ugu yar tahay waxaana uu noqday 1%.

Waxa kale oo xusid mudan inay noqotay dalka labaad ee dunida ugu sareeyay sinaanta dakhliga bulshada iyadoo dakhligooda ugu badani ka soo xeroodo cashuuraha gudaha dalka.

Mana jirto wax dayn ah oo debedaha lagaga leeyahay.

Booqrtooyada Liechtenstein waa xubin ka tirsan Qaramada Midoobay, Ururka Ganacsiga Xorta ah ee Yurub, iyo Golaha Yurub. In kasta oo aanay xubin ka ahayn Midowga Yurub, haddana waxay ka qaybqaadataa aagga dhaqaalaha Yurub labadaba. Waxaana ay ku jirtaa ururka kastamka cashuuraha Yurub iyo ururka lacagta ee Switzerland.

Dadka degan 87% waxay haystaan diinta Kiristaan , dadka muslmiinta ah ayaa lagu  qiyaasay 5% , inta kale waxay noqdeen kuwo aan diin haysan iyo kuwa aanay cadayn diinta ay haystaan.

 

 

Leave a Reply