Dhamaystirka Jawaabta Iyo Su’aasha!

0
475

Markii ay lamaanihii xaaska ahaa aad isugu cadhoodeen hadalkii ayay kala xidheen, ka dib muran badan oo dhex maray. Habeenkii markii  uu seexanayay ayuu ninku udhiibay gabadhiisa  warqad uu ku qoray “Aroorta shanta subaxnimo itoosi, ” isagoon haba yaraatee la hadal.

Subaxnimadii ayuu toosay 8:00, isagoo ka habsaamay shaqadii aad ayuu ugu cadhooday, dharkiisi ayuu xidhay.

Markii uu rabay inuu baxo ayuu arkay warqad sariirtiisa saaran waxaana ku qoraa “ Toos waa shantii subaxnime”.

Habkii uu wax uga codsaday ayay gababdhiisuna ugu jawaabtay, madaama uu codsigiisa ku soo gudbiyay warqad jawaabtiisiina waxa ay ugu gudbisay. Marka hore waa in aad adigu isa saxdo si jawaabta aad helaysaana u noqoto mid saxan oo ah sidii aad u rabtay.

 

Leave a Reply