Xusuusta Dadka Sharka Badan!

0
345

Taariikhda dunida waxa ka buuxo bogag ay ku taxan yihiin magacyada kooxo iyo dad gaar ah oo shar iyo dhibaato dunida la dhex joogay. Xubnahaasi sharka badan ayaa iyaga laftigooda ahaa kuwo quus iyo niyad jabku wehel joogta ah u noqday. Waxa ay caado ka dhigteen dil, iyo dhiig daadin joogto ah.

 Kooxahan waxa ay falalkaasi u samaynayeen nacayb, kibir iyo islweyni naftooda ka buuxday.  Kooxahaasi waxa ka mid ah nin lagu magacaabi jiray “ Robert Ted Bendy”  waxa uu ku dhashay dalka Maraykanka bishii November 24dii , sanadkii 1946,  ninkan ayaa noqday qarnigii 20aad  ninkii dilalka ugu xun ee ugu arxanka daran geystay.

Sida la sheegay  waxa uu  si fool xun oo arxan daran qoorta uga jaray 30 qof oo aan wax dhibaato ah u geysan, isla markaana aanay jirin cadaawad gaar ah oo ka dhaxaysay, mudadii u dhaxaysay 1970 – 1978.  Dilka iyo kufsiga  uu geystay dumarka Ayaan tiro ahaan loo ogayn. Inkasta oo uu habkaasi waxshiga u dhaqmayay haddana ugu danbaytiin waxa ku guulaystay qabashadiisa sanadkii 1978 booliiska Folrida ee dalka Maraykanka.

Waxa uu sheegay inuu iska jeclaa kana heli jiray qaylada kuwa uu qoorta ka goyanayo.  Mr. Bundy muddo 10 oo xadhiga ka dib waxa lagu toogtay bishii Janaweri sanadkii 1989 xabasiga Florida  ee lagu magacaabo Raiford. Maalinta dilka lagu fulinayay aad ayuu barooraty isagoo xusuustay dhibkii uu geystay iyo sidii ay u qaylin jireen dumarkii faraha badnaa ee uu qoorta ka goyn jiray. Sida u maalintaasi u ooyay ayay dad badan oo uu dilay iyaguna ooyeen wakhtigii uu ku xadgudbayay.

Marka aad shar badan tahay ugu danbaystana adiga ayay noqota mid noloshaada usoo xidha si aad u foolxun oo  wax ku qaadasho weyn xambaarsan.

Bendy waxa ka mid ah weedhihii ugu danbeeyay ee beer laxwsiga ah wax aka mid ah :” Hubaal Waan u qalmaa, ciqaabta ugu daran …. Waxaan qabaa in bulshadu ay mudan tahay in la ilaaliyo, la xaqdhowro dhamaan aniga iyo kuwa kale ila mid ah.”

 

 

Leave a Reply