Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan la Qaatay Madaxda Dhaqanka Togdheer

0
197

Burco (Dawan) Waftigii uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ahna guddoomiyaha guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga KULMIYE ayaa kulan laqaatay madax dhaqameedka gobolka Togdheer.

Kulankaasi oo ka qabsoomay madaxtooyada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayay ujeedadiisu ahayd udiyaargorowga hawlaha diwaangelinta kaadhqaadashada codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo dalka ka qabsoomi doonta 28/12/2022,.

Geesta kale kulankaasi waxa lagaga wada hadlay horumarinta gobolka Togdheer, iyada oo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ay kulankaasi ku wehelinayeen wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiir ku xigeenka horumarinta maaliyadda Rooda Jaamac Cilmi, maamulka gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale.

 

3 Colunms

Leave a Reply