Golaha Guurtida oo soo Dhaweeyay Dhaqangalinta Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka

0
244

Hargeysa( Dawan)Golaha Guurtida ayaa soo dhaweeyay dhaqangalintii Dawlada Maraykanka ku meelmarisay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo USA.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Guurtida ayaa waxa lagu sheegay in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada la shaqayn doonaan dhigooda aqalka Congress-ka Maraykanka,

Waxaana uu u dhignaa Sidan Warsaxaafadeedka ka soo baxay Golaha Guurtida, Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Somaliland ayaa soo saaray bayaankan oo daba socda Dhaqangelinta Dawladda Maraykanka ee Sharciga Ogolaanshaha Difaaca Qaranka ee Sannadka Flacal 2023, kaas oo ay ku jiraan xoojinta Xidhiidhka iskaashiga

Maraykanka iyo Somaliland.

“Waan soo dhawaynaynaa, waanan ku hambalyaynaynaa Congress-ka Maraykanka ansixintii u dambaysay ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka, kaas oo ay ku jiraan awaamiir dhaxal gal ah oo horumarinaysa iskaashigayada muhiimka ah, taariikhda markii ugu horraysay sharci-dejiyayaasha Maraykanku waxay Somaliland ku tilmaameen sharci, kaas oo u baahan Warbixin sannadeedka si faahfaahsan uga hadlaysa kaalmada bini’aadantinimo ee Maraykanka, xidhiidhka diblamaasiyadeed, iyo iskaashiga dhinaca amaanka ee dawladeena.Sharcigu waxa kale oo uu u baahan yahay in wasaaradaha dawladda Maraykanka iyo waaxda Delem ay sahamiyaan wada shaqayn weyn oo ay la leeyihiin Somaliland iyo ka qayb qaadashada danaha amniga qaranka Maraykanka ee Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Indo-Pacific.

Somaliland, horumarkani waxa uu sii horumarinayaa dhaqaalaheenna, amni iyo istiraatijiyad. Golaha Guurtida iyo Wakiilladu waxa ay rajaynayaan in ay la shaqeeyaan dhiggooda Congress-ka Maraykanka si ay u xoojiyaan go’aannada aynu wadaagno ee ku aaddan dimuqraadiyadda, iyo abuurista Geeska Afrika oo xasilloon oo barwaaqo ah”.

 

 

 

 

Leave a Reply