Wasiirka Hawlaha Guud oo Xadhiga Ka Jaray Biriij Laga Hirgeliyay Gabiley

0
212

Gabiley (Dawan): Wasiirka Hawlaha Guud ee JSL C/laahi Abokor Cismaan, ayaa shalay xadhiga ka jaray Biriij laga hirgeliyay xaafadda Shariif Cali ee magaaladda Gabiley.

Wasiir C/laahi Abokor, oo hawlo shaqo u tegay Gabiley, waxaa xadhig ka jarka Biriijkaasi ku wehelinayay wasiirro, maamulka gobolka Gabiley, ka degmadda Gabiley, iyo masuuliyiin kale.

Bariijkan uu wasiirku xadhiga ka jaray oo ay hirgelisay wasaaradda Hawlaha Guud ayaa isku xidhi doona xaafadda Shariif Cali iyo magaaladda Gabiley inteed kale.

Xadhiga ka jarka mashruucani waxaa goob joog ka ahaa wasiirrada Isgaadhiisnta iyo Tikjooljiyadda C/wali Sheekh C/laahi Suufi Jibriil, Macdanta iyo Tamarta C/laahi Faarax, wasiir Ku Xigeenka waxbarashada, badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Jiidhe.

Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, iyo siyaasiyiin kala duwan, odoyaasha magaaladda Gabiley, marti sharaf faro baddan iyo dadweyne kala duwan.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta C/laahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan farxad weyn u tahay inay xadhiga ka jaraan Biriijkani.

Isagoona xusay in goobta ka mashruucan ee Biriijka Qalax oo muddo baddan wasaaradda Hawlaha Guud ay soo waday.

Wasiir C/laahi Abokor, ayaa ka waramay qaybihii kala duwanaa ee uu mashruucan soo maray.

Sidoo kale wasiirka ayaa bogaadiyey dawladda hoose ee degmadda Gabiley qeybtii ay ka qaadatay hirgelinta mashruucan.

“Ka wasaarad ahaan maanta (shalay) farxad weyn ayay noo tahay in aanu xadhiga ka jarno mashruucan weyn ee Biriijka Qalax, oo muddo baddan wasaaradda Hawlaha Guud ay soo waday.

Labadii mashruuc ee abid ugu waaweynaa ayaanu ka wasaarad ahaan ka hirgalinay gobolka Gabiley”ayuu yidhi

wasiir C/laahi Abokor.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay wasiirrada Isgaadhiisnta iyo Tikjooljiyadda, Macdanta iyo Tamarta wasiir ku Xigeenka waxbarashada, kuwaasoo dhinacooda bogaadiyay wasaaradda Hawlaha Guud mashruucan ay magaalada Gabiley ka fulisay.

Waxaanay sheegeen inuu qayb laxaad leh ka qaadan doono isku xidhka iyo isku socodka bulshadda iyo gaadiidka ee magaaladda. Iyadoona markii hore ay xaafadda Shariif Cali, ku jirtay godoon laba dhinac ah.

 

 

Leave a Reply